USA: Aradayda Caddaanka Ah Ee Dugsiyada Sare Waxbarashada Kaga Hadha Ayaa Haddana Ka Hanti Bata Kuwa Madowga Ah Ee Dhammaysta Waxbarashada

0
593

Washington (Geeska)- Marka ay timaaddo hanti-samaynta iyo in maalqabeen la noqdo, dadka caddaanka ah ayaa si aad ah ugaga horreeya dhiggooda madowga ah ama u dhashay dalalka Laatiin Ameerika ee ay kuwada dhaqan yihiin dalka Maryakanka. Warbixintan uu diyaariyey Matt Bruenig oo uu Geeska Afrika ka soo xiganayo degelka Internet ka uu ku leeyahay urur lagu magacaabo Demo (Oo macnaheeda looga jeedo dadka) ayaa lagu sheegay in sahamintii ugu dambeeyey ee ay dowladda dhexe ee Maraykanku samaysay in lagu xaqiijiyey in ay jirto kala-tagsanaan weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah oo u dhaxaysa dadka kala midabka ama isirka ah ee dalka Maraykanka.

Warbixintan oo lagu sheegay in aqoonta heer jaamacadeed ahayn sababta ay u kala dhaqaale badan yihiin dadku balse ay tahay dhinaca midabka, iyada oo arrintaas ka hadlaysana waxa ay warbixintani qortay, “Celceliska dhaqaalaha soo gala qoyska caddaanka ah ee uu hoggaamiyo ruux waxbarashadiisu ka hoosayso shahaadada dugsiga sare waa 51’300 oo doolar, taas oo aad uga badan qoyska dhiggiisa ah balse midabkiisu madowga yahay ee uu hoggaamiyo ruux aqoontiisu gaadhsiisan tahay heer jaamacadeed, waxaana celcelis ahaan soo gala 25’900 oo doolar, lacagtaas oo kala badh ka yar ta’ aynu soo xusnay in celcelis ahaan qoyska caddaanka ahi helaan. Halka qoyska asalkooda hore Laatiiniga yihiin ee uu hoggaamiyo ruux aqoontiisu heer jaamacadeed tahayna uu helo lacag celcelis ahaan u dhiganta 41’000 oo doolar, taas oo ka badan dakhliga qoyska madowga ah, balse aad uga yar ka caddaanka ah.

Waxa ay warbixintani sheegtay in sahamin ay samaysay xarunta Fed lagu ogaaday in muddadii u dhaxaysay 2010kii illaa 2013kii dhaqaalaha dadka caddaanka ah ee Maraykanku uu kordhay boqolkiiba 2 ama halkiisii hore xejistay, halka dadka madowga ah ama Laatiiniga ahna uu dhaqaalahoodu hoos u dhacay boqolkiiba 17. Taas oo mar kale muujinaysa kala duwanaanta dhaqaalaha Maraykanku in ay midab ku salaysan tahay.