Wasiiro Iyo Masuuliyiin Xukuumadda Ka Difaacay Eedaha Mucaaradku U Jeediyaan

0
497

Picture8Hargeysa(Geeska):-Qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo sida oo kalena ka tirsan gudida fulinta ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE iyo sida oo kale guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee KULMIYE Md:Cabdiraxmaan Talyanle ayaa si kulul uga jawaabay hadalo dhaliilo ah oo muddooyinkii danbe uga imanaayey Xisbiyada Mucaaradka,waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen waxyaabo badan oo ay tilmaameen in ay qabatay Xukuumada Axmed Siilaanyo intii ay dalka ka talinaysay.iyaga oo sida oo kalena arrin la soo abaabulay oo laga dambeeyey ku tilmaamay calankii Xisbiga KULMIYE ee lagu gubay Magaalada Gabiley.

Xubnahan Wasiirada ah oo shalay si wada jir ah Shirka Jaraa’id ugu qabtay xarunta Wasaarada Warshadaha Somaliland ayaa waxa ka mid ahaa Abiib Diiriye Nuur (Timecad), Wasiirka Xannaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali,Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Md:Cali Xaamud jibriil,Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Marwo:Nimco Xuseen Qawdhan,Agaasimaha Maamulka Lacagta ee Komishanka Aids-ka Md:Cabdikarin Xinif, Xildhibaan Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, Guddoomiye Ku-xigeenka 3 aad ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxman Talyanle  iyo Xildhibaan Balaaki.

Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Md:Abiib Diiriye Nuur oo uug horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in maanta ay xaalada dalku ay meel fiican ay marayso,waxaana uu tilmaamay in muddadii uu Axmed Siilaanyo wadanka ka talinaayey ay wax badan qabteen.

 “Xaalada maanta ee dalka Somaliland meel wanaagsan ayey maraysaa,runtii Inta uu xilka hayey Madaxwaynaha Somaliland Md:Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),Xukuumadii ka horaysayna waad ogaydeen waxa ay dalka ka fulaysay,waxaana ay isku yihiin Cir Iyo dhul.Markii Xisbiga Kulmiye u tartamayay Madaxtinimada dalka balan dadweynaha ayuu ka qaaday dhamaana wuu fuliyay,Waxaana ka mid ah Darajada Ciidamada,Waxbarashada Dugsiyada Hoose,Wadooyinka iyo wax badan oon halkan lagu soo koobi Karin,indhaha Caafimaadka qabaana way arkayaan kuwa kalena runtii ma arkayaan”Ayuu yidhi Md:Abiib Tima Cad.

Md:Abiib Diiriye Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Maalin dhawayd-na waad ogaydeen nin ayaa yidhi dalka Amisom ha timaado,taasna macnaheedu waxa weeyaan dawladi dalka ka majirto,arrinkaasna shacabka ayaa ka garsooray inuu gaf ka galay qaranka Xildhibaankaasi.Waxaan anigu hadalka mucaaradka ku tilmaami lahaa dameer meel arad ah daaqaya oo Inta uu bur gooso is yidhi malagii nafta ka qaadayay kaga soo baxay oo ku yidhi wax codso,Markaa ayaa uu yidhi cawskaas fiican ee halkan ka baxay yaanu aniga iga danbayn,hadalka mucaaradkuna waa sidaas”.

Wasiirka Wasaarada Warshadaha Somaliland Md: Abiib Diiriye Nuur ayaa ugu danbayntii,waxaa uu ka hadlay calankii Xisbiga KULMIYE ee lagu gubay Magaalada Gabilay isaga oo tilmaamay in uu arrinkaasi ahaa arrin qorshaysan oo laga dambeeyey.

 “Calankan ay gubeen reer Gabilay ee ay kabahana ku masaxdeen,lugo ayay ahayeen oo marag ayaad u tihiin oo deed-naAfar inan ayaa la leexiyay oo arrinkan foosha xun loo dhiibay,Arinkaasina wax sax ah maaha waxa uu ahaa wax foojari ah oo la sameeyey,dhalinyarada gobolku caaqilada iyo dadka waa wayniba waxa ay tageersan yihiin waa KULMIYE”Ayuu yidhi Md:Abiib Diiriye Nuur.

Wasiirka Wasaaarada Xanaanada Xoolaha Dr:Cabdi Aw Daahir iyo Agaasimaha Komishanka AIDS-ka Cabdikariin Xinif oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si isku mid ah ay ugu hadleen guulaha ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ku talaabsatay mudadii ay dalka xukumaysay,waxaana ay sida oo kale ay dhan uga leexiyeen Eedaha ay Xukuumadu u soo jeediyeen Asxaabta mucaaradka kuwaas iyaga oo ku tilmaamay kuwo waxba kama jiraan ah.waxaana ay shacabka ugu baaqeen in aanay dhag u dhigin hadalada ka soo yeedhaya Axsaabta Mucaaradka.

Ugu danbayntiina waxaa shirkaasi jaraa’id soo afmeeray guddoomiye ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE Md:Cabdiraxmaan Talyanle,waxaana uu isna dhankiisa sheegay in Xukuumada Xisbiga KULMIYE ay guulo badan gaadhay,isaga oo farta ku fiiqay in Axsaabta Mucaaradku aanay habayaraate arkayn waxqabka Xukuumada Xisbiga KULMIYE.

 “Madaxwayne Siilaanyo waxa uu cuno muu waayin ee waxa uu doonayaa inuu iska reebo tariikh aad u wayn,taas oo shacabka la horyimid wax qabada dhab ah,waxqabadka kulmiye qabtay ayaanu ku cel-celinaynaa kuwa aan arkayn ayaanu sankooda ku xoqoynaa si indhahoodu u arkaa,cadceedaas miyaa sacab la saari karaa waxqabadka kulmiyena waa sidaas”Ayuu yidhi Md:Cabdiraxmaan Talyanle.