Siyaasiyiintii Xilalka Ka Soo Qabtay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Oo Yeeshay Kulankoodii Labaad Iyo Diiradda Ay Xukuumaddu Ku Hayso

0
493

Picture9

Hargeysa(Geeska)-Inta badan ee masuuliyiintii xilalka ka soo qabtay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay dhawaanahan kulamo u socdeen, ayaa khamiistii yeeshay kulankoodii labaad, ka dib markii ay kulankoodii koowaad ku saareen guddi warbixin soo ururisa.

Kulankan oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnaayeen ayaan laga haynin natiijo rasmi ah, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in guddigii hore loo saaray ay madasha soo dhigtay warbixin dhammaystiran oo ay kaga warantay xaaladda siyaasadeed ee wadanka iyo weliba xaaladda saddexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo Waddani oo ay mid walba sidiisa warbixin faahfaahsan uga soo diyaariyeen. Warbixinta ayaa sida ay xogtu sheegtay waxay ka dayrisay xaaladda xisbiga KULMIYE ee ay ka tirsanyihiin inta badan masuuliyiiintan kulanka ka qayb gashay.

Kulankan oo ahaa mid xogtiisa aad loo ilaaliyay, ayaa waxa ay masuuliyiintan oo ka mid ahaa raggii sababay guushii Madaxweyne Siilaanyo uu kaga guulaystay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin, ay si faahfaahsan uga warameen xaaladda siyaasiga ah ee uu wadanku marayo oo uu mid waliba si waaqici ah uga waramay raggii hadlay.

Waxa kale oo ay masuuliyiintani isla garteen inay muhiim tahay inaanay indhaha ka daawan xaaladda uu wadanku maryo balse ay muhiim tahay inay siyaasad ficil ah la yimaadaan, waxaanay u balameen kulan saddexaad oo muhiim ah. Masuuliyiintan oo badankoodu ka tirsan xisbiga KULMIYE, lama garanayo inay ka digo rogan doonaan xisbigaas kuna biiri doonaan xisbiyada mucaaradka, waxase ay xukuumadu ku haysaa kulamadooda indho fiiqan, iyadoo ka warwarsan haddii ay siyaasiyiintan oo ah rag culus ay go’aansadaan inay ku biiraan xisbiyada mucaaradka ah oo ay ku kordhin doonaan cudud laxaad leh.

Ragga kulanka ka qayb galay waxa ka mid ahaa:

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee maaliyadda

Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xuseen-Xoog), wasiirkii hore ee caafimaadka

Maxamed Nuur Caraale (Duur) wasiirkii hore ee arrimaha gudaha

Md. Axmed Cumar Cabdillaahi Xamarje, badhasaabkii hore ee Togdheer iyo Maroodijeex

Axmed Cilmi-yare, agaasimihii hore ee wasaaradda dib u dejinta

Boobe Yuusuf Ducaale, wasiirkii hore ee warfaafinta