Ururka Xaqsoor Oo Sheegay Inay Xukuumada Iyo KULMIYE Dagaal Ku Soo Qaadeen

0
610

xaqsLascanod(Geeska)-Urur siyaasadeedka Xaqsoor ayaa sheegay inay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku soo qaadeen dagaal qaawan oo la xidhiidha dhinaca doorashada.

Warsaxaafadeed uu xalay soo saaray Cabdiqaadir Ismaacil Caraale, oo ah guddoomiyaha abaabulka gobalada bari ee ururka Xaqsoor, oo ku sugan magaalada Lascanod,  ayaa wuxuu sheegay in goobo kala duwan lagaga shubtay ururka Xaqsoor, waxaana warsaxaafadeedkaasi oo u dhignaa sidan. “Dagalka qaawan ee kulmiye iyo xukumadu ku soo qaadeen ururka Xaqsoor, iyaga adeegsanayaa cududa ciidanka qaranka, komishanka gobolada iyo ka qaranka qaarkii iyo hantida umada waxaa cadayn u ah

Ciidamadii qaranka ee xidhay xuduudaha wax sabab la?aan loogu soo qaaday Sanaag bari si aan ururka Xaqsoor loogu codayn degmooyinka badhan iyo Dhahar oo xukumadii kulmiye u fahantay in awood iyo cod muuqda ururka Xaqsoor ka helayo halka lana joojiyey 18 gobood Bahdha iyo 23 goobood Dhahar, isku darka 41 goobood ama sanduuq. Sanaag taas oo ay dheertahay boobka musuqa iyo ku shubashada komishanku.

Degmada Xudun 28 goobood ama sanduuq sabab la?aan, iyada oo komishanka ka joojiyey sababna uga dhigay shaqaaqo meel xudun ka xigta bari 20 kiilomitir, horena ay u cadayd in aan looba diyaarin goobo laga dhiibto codadka. Goomiyaha komishanku wuxuu tuulada reer ahaan ay ka soo jeedaan uu si badheedh ah ugu diray shan sanduuq oo ay xaq u lahaayeen 13 xildhibaan ee degmada xudun uga sharaxan ururka Xaqsoor ee ay hore u buuxiyeen dhamaan shuruudihii looga baahnaa. Halka uu gudoomiyaha komishaku si badhaadheedha uu reerkooda oo aan buuxin wax shuruudo ah uu tuulo ahaan Bohol uu geeyey sanaaduuqdii. Taas oo qaranimada Somaliland ku ah mugdi madaw oo taariikhda u gash. Gudoomiyaha komishanka waxa uu si badheedha ula shaqaynayaa komishanka garoowe, taas oo cawaaqib xumo ku noqon doonta madaxweynaha Somaliland ee awoodiisa la isticmaalayo.

Taas waxaa dheer oo cadayn loo hayaa in baabuurtii ciidanka qaranka lagu qaaday 30 sanduuq oo la kala geeyey xidh xidh iyo kala baydh.

degmada laascaanood oo loo qoondeeyey 84 goobood waxa aan xarunta ka bixin 7 sanduuq, dibna lagu isticmaalay ururo gaara iyada oo loogu danaynaayo.

Sidoo kale waxaa 5 sanduuq hawdka koonfureed ee laascaanood ku qaatay xoog ciidanka qaranka iyo murashaxiinta Kulmiye ah, kuwaas oo uu hogaaminaayo taliyaha lagu magacaabo Caare iyo murshax Cismaan Xuseen Carab (kulmiye) lagana fara-maroojiyey gudoomiyayaashii goobaha oo cidla lagaga tagay.

Geesta kale 7 gobood ee gudaha magaalada ah ayuu laga eryey munaaqibiintii Xaqsoor, iyaga oo amarkaas ay fuliyeen madaxda sar sare ee ka socday xukumada iyo baarlamaanka.

Sidaa iyo si lamida gudaha xarunta komishanka waxaa lagu kala bedelay codad gudaha sanaaduuqda ku jiray oo loo hayo cadaymo dhab ah. Hadaba umada reer Somaliland ee jecel sinaanta iyo horumarinta ee midka ah waxaanu u sheegaynaa in Kulmiye iyo xukumadu ay ka shaqeeyaan wax taa ku lid ah, reer Xaqsoor iyo inta la midka ahna kama dul qaadan doonaan mana aqbali karaan burburinta dalka.

Dhamaan dhacdooyinka oo hordhac ah waxaanu diin haynaa faah faahintooda iyo cadaymihii oo dhan.

Tirada goobaha la joojiyey iyadoo Xaqsoor loo jeedo

1. Badhan 18

2. Dhahar 23

3. Xudun 28

4. Laascaanood 7

5. Galbeedka ?

76

Goobaha la dhacay 5 laascaanood

Goobaha lagu shubtay 7

12

Kuwa tirinta ama codka lagu guray 10

Isku geynta Guud

75 la joojiyey

23 lagu shubtay

99

Sool iyo sanaag ahaan waxaa la hayaa cadayntii oodhan.

Taariikhda markii ugu horaysay ururka xaqsoor waxa uu ka shaqeeyey quruxda iyo doorashada laascaanod ka dhacday, taas oo uu hormuud ka yahay urur ahaan, iyada oo siyaasada gobolada bariga ee dalka wax weyn ka badashay.

Gaba gabadii waxaa toos u cad in la diidan yahay beelaha harti iyo ciise inay marnaba saaxada siyaasada somaliland ay ka muuqdaan, loona didinaayo Soomaaliya iyo Jabuuti, taas oo xukumad ahaan iyo baarlamaan ah ay ka wada shaqeeyaan.

Gudo iyo dibada shacabaka somaliland waxaanu ugu baaqaynaa in naloogu dhuuman iyada oo Somaliya lagu darayo shacabka. Taas oo keeni karta cawaaqib xumo iyo kala dirida Somaliland, mid siyaasadeed, nabad galyo aan lala wadaagi karin xukumada madaxweyne siilaanyo.

Waxaanu ugu baaqaynaa dhamaan beesha caalamka, gaar ahaana dawladaha Ingiriiska, Maraykanka., midawga afrika, jaamacada carabta inay ka feejignaadaan fool xumada ka soo socota xukumada madaxweyne siilaanyo doorashadii ugu horaysay ee gole deegaan ee ay qabato.”