Abdulaziz Al Mutairi Oo Ka Digay Halis Nidaamka Dimoqraadiyada Somaliland Kaga Soo Waajahan Somaliya

2
625

kaaskHargeysa(geeska)-“Nidaamka Dimoqraadi ee Somaliland ayey caqabado kaga imanayaan xukuumada cusub ee Dhowaan Soomaaliya loo dhisay. Soomaaliya, ayaa shaqo siinaysa hogaamiyeyaasha ururadda cadhooda, sida gudoomiyahii NDP, xilligan ah Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya. Waxa sidoo kale jira siyaasiyiin reer Somaliland ah oo Muqdisho u baxsaday markay ku guuldaraysteen hirdanka siyaasada Somaliland.” Sidaa waxa lagu daray maqaal uu qoray ABDULAZIZ AL-MUTAIRI.

Maqaalkan oo lagu daabacay wargeyska Arab News, ayaa lagu bilaabay, “Nidaamka Dimoqraadigu waa dhiiga Muslimiinta ee jecel sinaanta bani-aadamka, isla markaana rumaysan wadajirka, iyo xornimada,” siduu hore Maxamed Cali Jinaax, Madaxweynahii ugu horeeyey Pakistan sheegay.

Dimoqraadiyadda Somaliland ayaa soo martay tijaabooyin macaan iyo qadhaadh ah, waaya-aragnimadaasi waxay ka dhigtay dimoqraadiyada Somaliland mid qurux badan, wuuna kobcayaa, caqabado kastoo soo waajaha.

Ku dhaqanka nidaamkan ayaa ahayn mid ku cusub Somaliland, maadama ay ku jirto dhiiga shacabkeeda. Dhaqanka dadka ayaa ku salaysan wada-tashi iyo wada hadal lagu xaliyo mushkilad kasta. Waxaanu soo taxnaa ilaa imaatinkii xoogagii gumaystaha qarnigii 19aad. I. Lewis ayaa ku bayaamiyey buugiisa “Baadhitaan reer-guuraanimada iyo siyaasada Waqooyiga, Geeska Afrika.”

Sannadkii 1936, xisbigii ugu horeeyey Somali National Society (SNS) ayaa lagaga dhawaaqay Somaliland, kuna xigeen nidaamka xisbiyada badan oo saddex kale SNL, USP iyo NUF ku abuurmeen.

Ka dib, markii kacdoonadii xornimo-doonku bilaabmeen, xisbiyadii SNL iyo USP waxa mabda’doodu ahaa in Soomaaliya lala midoobo, halka xisbigii NUF doonayey madaxbanaanida Somaliland, markii Ingiriisku madaxbaani siiyey Somaliland, 26 June, 1960, waxa aqoonsaday 35 wadan, si kasta, 1 July 1960, ayey la midowday Soomaaliya.

Doorashooyin ka dhacay Somaliland 1950-kii xisbiyada SNL iyo USP ayaa ku guulaystay inta badan kuraastii baarlamaanka, waxaanay u dhaqaaqeen hirgelinta midnimadii, dhaqankii dimoqraadiyada ee shacabka Somaliland waxuu ku baahay Soomaaliya ilaa intaan nidaamkii Siyaad Bare xukunka inqilaab ku qabsan. Nidaamkaa oo markii danbe halgan hubaysan xukunkii lagaga tuuray.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ballanqaaday xilligii ololahiisa doorashooyinkii madaxtooyada 2010 inuu ogolaan doono furashada xisbiyo siyaasadeed. Wakhtigan, KULMIYE iyo UCID waxa ku dedaalayaan inay booskooda xisbinimo xejistaan. Nidaamka dimoqraadiyada caafimaadka qabta waxuu tusaale u noqon karaa wadamo badan oo Afrika ah, sababtoo ah waxuu hoos u dhigayaa rabsahdo dhaca doorashooyinka ka dib sidii Kenya, Congo, Ethiopia, Ivory Coast.

Si kasta, dimoqraadiyadda Somaliland ayey caqabad kaga soo beegan tahay xukuumada dhowaan loo sameeyey Soomaaliya, oo shaqaaleynaya hogaamiyeyaasha cadhaysan ee xisbiyada/ururada siyaasada Somaliland, sida Foosiya X Adan. Gudoomiyahii NDP, Foosiya waxay u baxsatay Muqdisho, markii ururkeedu dhacay. Waxaana jira siyaasiyiin reer Somaliland ah oo tegay Soomaaliya markii ay ku guuldaraysteen hirdanka siyaasadeed ee dalkooda.

Taasi waxay halis muuqata ku tahay dimoqraadiyadda Somaliland, isla markaana shaqaalaynta siyaasiyiintaa ka soo jeeda Somaliland ayaa xadgudub cad ku ah dastuurka Somaliland, taasoo ka cadhaysiisay shacabka iyo hogaanka Somaliland.

Maamulka Mogadishu waxuu ka baaqsaday hirgelinta go’aamadii shirkii London ee xaaraantimeynayey faragelinta siyaasada dhinaca kale (Somaliland-Soomaaliya). Beesha caalamka ayaa ka codsatay labada dhinac inay wada hadal ka yeeshaan sida xidhiidhkooda mustaqbalku noqon doono. Si kasta, talaabadan magacaabida Soomaaliya ee siyaasiyiin u dhashay Somaliland waxay hoos u dhigaysaa fursadaha xidhiidh waxtar oo mustaqbalka yimaada.“

Comments are closed.