Guddiga Doorashada Ee Degmooyinka Sheekh Iyo Baki Ee Awdal Iyo Saaxil Oo Ku Dhawaaqay Natiijada Heer Degmo Iyo Sida Ay Ururadu Ugu Kala Horeeyaan

0
1023

Picture6Hargaysa( Geeska )-Degmada Baki ee gobalka Awdal ayaa si rasmiya iyadana loogu dhawaaqay xubnaha u soo baxay golaheeda deegaanka oo ka kooban 13 xildhibaan oo golaha deegaanka ah.

Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ee degmadaas ayaa si rasmiya u sheegayay in 17832 cod degmadaas laga dhiibtay, waxaana komishanku uu shaaciyay in xisbiga KULMIYE uu helay 5 kursi, ururka WADANI 3,ururka UMADA 2, DALSAN 2 iyo hal kursi oo ururka XAQSOOR ah, xisbiga UCID iyo ururka RAYS ayaan wax kuraas ah ka helin dagmadan Baki.

Degmadda Sheekh

Guddoomiyaha guddiga doorashada ee Degmada Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan ayaa isna shalay ku dhawaaqay natiijada doroashada, waxaanu sheegay  in xisbiga  KULMIYE uu ka helay 4 Kursi, ururka WADANI isna ka helay 4 Kursi, UCID ayaa isna ka helay 3 kursi, Dalsan ayaa isna ka helay degmada Sheekh 1 Kursi iyo urur siyaasadeedka XAQSOOR oo sina ka helay 1 kursi,ururadda RAYS iyo UMADA ayaa wax kuraas ah ka helin dagmada Sheekh, waxaanay golaha deegaanka ee Degmada Sheekh ka koobanyihiin 13 xubnood.

Geesta kale, Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed Xamari, ayaa sheegay in illaa imika ay ku gudo jiraan codadkii laga dhiibtay degmadda Hargeysa. “Illaa Imika wax socota Tirinta cododka Doorashada Golaha deeganka, Runtii Kooxdii Gashay Habeen hore 8:00-dii waxay ka soo baxeen 5 Subaxnimo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Md. Ciise Yuusuf Xamari oo shalay warbaahinta qaarkeed la hadlay.

Ciise Xamari waxa uu hadalkiisa intaas ku ladhay “Kooxdaasi hore Waxa badashay Koox kale oo iyana gashay 8 Suxnimo markaa wax wakhtiga intaasi leeg la tirinayaa waa cododkii, waa la hubinayaa oo si taxadar leh ayaa lo tirinayaa, natiijadan wakhtiga ugu haboon ayaanu soo saraynaa.”

Golaha Deegaanka Hargeysa oo ka kooban 25 Xildhibaan waxa u tartamaya 175 Murashax oo ka kala tirsan 2 xisbi qaran iyo shan urur siyaasadeed.