Ururka SOYDA Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay 38 Arday Oo Dhammaystay Xirfado Kala Duwan

0
586

Picture1Hargeysa(Geeska)-Ururka SOYDA ayaa tabobar u soo xidhay 38 arday oo ay ku tabo bareen xirfado kala duwan oo ay ku shaqo tagi karaan,ardaydan  ayaa lagu tabo baray xirfadaha Computerka,Qurxinta iyo Dawaarka.

 

38 arday ee la tabobaray ayaa ka mid ah dadka xaafada isku raranta ah ee Istaad nawska, waxaanay masuuliyiinta ururkan ay sheegeen in ay u taagan yahiin kobcinta nolsha dadka Somaliland,iyaga oo xusay in tabobarada noocan ah ay ka caawiso haayada Save The Children.

Gudoomiyaha ururka SOYDA Khadar Nuur Cabdi oo ugu horayntii ka hadlaayay ardaydan ay tabobareen ayaa yidhi “ Sharaf ayay noo tahay haday maanta qalin jabinayaan ardaydii mudada la baraayay xirfadaha kala duwan mudada shanta bilood ah oo runtii aanu u aragno xirfadahaasu inay yahiin  kuwo qofka u fududaynaaya inuu shaqo ku helo si dhib yar haday tahay Qurxinta,Computerka iyo Dawaarkaba waa qayb ka mid ah wax qabadka ay iska kaashadaan SOYDA iyo haayada Save The Children ee aanu dooonayno in kor loogu qaado dhaqaalaha qoysaska Somaliland guud ahaan meelaha aanu ka hawlgalno, waa mid aanu ku doonayno in korloogu qaado dhaqaalaha qoysaska si heerka dhaqaale ee bulshada kor loogu qaado guud ahaan.waanan u mahadnaqaynaa gacanta ay ka gaysatay haayada Save The Children”

Agaasimaha SOYDA Khaalid Jaamac Qodax oo ururkan faah faahin ka baxinaayay ayaa isaguna dhankiisa yidhi “SOYDA waxay ka shaqaysaa arimo kala duwan oo mujtamaceena si toos ah u taabanaya,wax yaabaha aanu ka shaqayno wax ka mid ah xuuuqda aadamaha  haday noqoto xaqa wax barashada ee ay caruurtu leeyahiin iyo haday noqoto dhimista tahiirbka iyo shaqo abuurka.marshuucan aynu maanta u fadhino Save The Children ayaa maal galisa ururkan SOYDA-na  iyo mid kalena waa ay fuliyaan marka marshuuca oo dhan laga hadlaayana waa qayb yar oo ka mid ah qaybtan xirfadaha.” 

Cabdiraxmaan Cabdilaahi Cabdiraxmaan  oo ah madax  marshuucan ardayda lagu taba baraayay ee haayada Save The Children oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay sida ay haayada Save The Children ugu hawlantahay wax u qabashada caruurta iyo sidii qoysaska loo siin lahaa xirfado ay nolashooda ku kobciyaan iyo waliba taageerida caruurta darbi jiifka ah. 

Filsan Xuseen Khaliif oo ku hadashay afka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ayaa iyaduna dhankeeda  soo dhawaysay marshuucan “Mashruucani waa mashaariicda faro ku tiriskaah ee wax la taaban karo soo bandhiga ama qabta,waa mid ay dad badan ka faa’idaysteen,waa qofkii oo la baray xirfad uu ku shaqaysanaayo iyo    waxii uu ku shaqaysanaayay,aad ayaanu ugu mahad celinaynaa haayada Save The Children iyo SOYDA-ba ka wasaarad ahaan.”