Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Keenay Oo Deegaanka Sanaag Ku Dhex Maray Beelo Walaalo Ah Iyo Wararkii U Dambeeyay Ee Xaaladda

2
665

Picture6Ceel-afweyn (Geeska) – inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhintay iska hor imaad shalay ka dhacay deegaanka deegaanka Gawsaweyne oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, kaasi oo dhex maray laba beelood oo walaalo ah oo halkaasi wada degga.

Iska hor imaadkan oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah keenay ayaa la sheegay inuu qarxay ka dib markii nin xoolo dhaqato ah oo ceel ku yaalay deegaanka Gawsaweyne xoolo ka waraabinayey la toogtay isla-markaana uu dhintay, taasi oo keentay in beeshii uu ka soo jeeday ay hub urursato si ay aar goosi u samayso. Dagaalka ayaa  dhex maray beelaha reer Iidle (Habar-jeclo) iyo Sacad Yoonis (Habar Yoonis).

 Dagaalkan oo muddo socday ayaa waxa joojiyey ciidamo boolis ah oo laga soo diray Magaalada Ceerigaabo, kuwaasi oo kala dhex galay maleeshiyaadka labada beelood, waxaana wararkii ilaa xalay halkaasi laga helayay sheegayeen inay dagaalkan oo sidoo kale sababay dhaawac gaadhaya shan ruux ka shirayay waxgarad iyo Madax dhaqameed labada beelood ka soo kala jeeda, kuwaasi oo la sheegay inay ka wada hadlayeen sidii arinkan xal looga gaadhi lahaa.

Dhanka kale, ciidamada amaanka ee halkaasi la geeyay ayaa ku dedaalaya inaan shaqaaqo kale oo khasaare sababtaa aanay mar kale halkaasi ka dhicin.

Madax-dhaqameedka xalka shaqaaqadan ku jira oo aanu  xalay isku daynay inaanu arintan wax ka waydiino ayaanay noo suurtogalin, balse shaqaaqadan ayaa noqonaysa tii saddexaad ee labadii sanadood ee u dambeeyay ka dhacda gobolka Sanaag.

Comments are closed.