Madaxweynaha Somaliya Oo La Iftiimiyay Inuu Ku Fashilmay Inay Dawladiisu Amniga Dalka Sugto

0
539

Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u muuqda inuu ku guuldaraystay xasilinta amniga Somaliya iyo inuu dawladiisa dhaafiyo magaalada Muqdisho ee caasimadda Somaliya.

Warbixin ay wakaaladda wararka ee AFP, shalay baahisay, ayaa waxay ku sheegtay inay dawladda Xasan Sheekh u muuqato mid hoos u sii socota oo aan ka faa’iidaysan aqoonsiga iyo taageerada balaadhan ee ay dawlado badan oo reer Yurub  iyo Maraykan ahi isla garab taageen. Ka bixitaankii Somaliya ee hay’adda MSF ayay warbixintu sheegtay inay tahay mid dhaawac u gaysanaysa dawladiisa, maadaama oo ay hay’adda MSF sheegtay inay nabadgelyo darro uga carartay Somaliya.

Matt Bryden, oo ah khabiir dalka Kanada u dhashay oo xilal sare ka soo qabtay Qaramada Midoobay, ayaa aaminsan inay dawladu dhaafi la’dahay Muqdisho, waxaanu tilmaamayaa inaanay Somaliya Muqdisho oo keliya ahayn, isagoo intaas raaciyay inaanay hay’adaha caalamiga ah iyo Diblomaasiyiinta Muqdisho fadhidaa aanay  tagi Karin meel kale oo wadankaas ka tirsan.

Machadka ISS ee ay xaruntiisu tahay dalka Koonfurt Afrika, ayaa isna sida ay warbixintu sheegtay aaminsan in hoos u dhac uu ka muuqdo siyaasadda Madaxweyne Xasan Sheekh. “Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ku fashilmay inuu maamulkiisa ku xoojiyo dhulka Muqdisho ka baxsan iyo sharci la’aanta ka jirta Somaliya.” Ayuu machadkaasi ku yidhi warbixintiisa.

Weeraradii ay bilihii u dambeeyay Al-Shabaab ka fulinaysay Muqdisho ayaa iyaguna banaanka soo dhigay awooda dawladda ee ah inaanay sugi Karin amniga Muqdisho.

Si kastaba ha ahaate Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa u muuqda hoggaamiye aan ka faa’iidaysan taageerada isugu jirta amniga iyo dhaqaalaha ee ay dawladaha dunidu la garab istaageen dawladiisa.