Urur Siyaasadeedka Diimeed Ii Islaax Oo Sanadkan Curtay: Ka Onkaday Jabouti Kana Hilaacay Somaliland:- Qalinkii Axmed Xaaji C/Laahi Rooraye

27
782

 

Waxaan jecelahay inaan si koban ugu iftiimiyo qormadan ku waajahan xaalada dhabta ah ee urur siyaasadeedka diimaysan ee islaax,gabi ahaan waxan la soconaa in rubuc qarnigii ugu dambeeyey wadamada caalamka islamka ay ku gadaamnayeen kuna xeernayen urur diimeedyo siyaasadaysan si ay talada wadamadaas ula wareegaan iyagoo isticmaalaya xaaladkasta oo suurto gal ah iyagoo bartilmaa med ka dhigtay kuwa ay ragaadiyeeen kaligii taliyayaasha ah (digtaytor ship) iyo kuwa ay bur bureen dawladii dhexe sida Somalia iyo afganistan, hadaba ururadaasi dhamaantood waa kuwa isku wada ujeedo ah lakiin ku kala duwan si loo gaadho, dabayshaasi waxay dhamaan ka oogantay caalamul islaam ilaa hada wadamo kooban ayey ku guulaysteen iyadoo aan la saadaalin Karin inta ay haysan karaan ama ku sii waari karaan iyo inay ku darsan karaan kuwo cusub,

Ururadan siyaasadeed ee diimaysan ayaa mudo dheer ku tartamayey bulshada dhaxdeed waxaad moodaa imika in ay soo koobmeen ay ka soo hadheen kuwo aynu odhan karno islaax- qaaciido ictisaam iyo alla sheikh, hadaba aynu in yar is dul taagno islaax iyo geeska Africa aanse in yar ka horsiiyo dalalka ay ilaa haatan hanteen ama ku guulaysteen dalka masar,tunusia liibiya, iyo Somalia, waxayna qarka u saran yihiin siiriya hadii aan ku soo laabano geeska Africa aan ku horeeyo jamhuriyada federalka Somaliya waxa islaax si hawl yar ugu suurto gashay shirkii uu qabtay caalamku ee ka dhacay muqdisho ee lagu dooranayey hogaanka somaliya ayaa ururka islaax uu si dhab yar uga soo booday iyagoo isticmaalaya dhaqaale ay ugu iibiyaan xasan sheikh maxamud in uu talada qabto, hadana lama saadaalin karo in ay dawladaasi islaax ay hanan doonto talada dalka waayo carqaladaha ku gadaaman ayaa aad u farabadan.

Hadaynu u gudubno jamhuuriyada jabouti sida aynu wada ognahay dawlada iyo shacabka reer jabouti waxay mudan yihin hambalyo sida ay ugu badbadeen burburkii ama ay ugu samato baxeen burburkii jamhuuriyada somaliya aanay saamayn ugu yeelan dalkooda  jaboutina waxay noqotay dal somaliyeed oo miciin u noqday somalidii kale shacabka reer jabouti waxay nasiib u heleen in ay helaan hogaamiye hal abuur leh oo awood u leh In uu dalkiisa iyo shacbigiisa gaadhsiiyo nabad iyo horumar dhinac kasta oo loo eego waxa kale oo uu hogaamiyahaasi ku guulaystay in uu aduunka ku qanciyo oo uu ka iibiyo barnaamuj iyo istaatajiyad dhinac walba leh lamina dafiri karo in uu ismacill cumar geele yahay hogaamiyihii qarniga ee geeska Africa, jaboutina ka dhigay hong kong gii Africa, markaan taas ka gudbo dalka jamhuuriyada jabouti marka la eego duruufaha iyo xaaladaha la dariska ah ee u gaarka ah uma baahna mana qaadi karto in fikrado iyo maslaxado laga soo xawilay dalal kale ay  ka dhax toosaan oo ay doorashada ku baraarugaan oo ay islaax ka onkodo dushooda waxaan kula talin lahaa mucaaridka saxa ah ee wadaniyiinta ah in aanay mucaarid nimadoodu la galin urur diimeedyo dano iyo maslaxado caalalmiya.

Somaliland iyo islaax

Waxaan jeclahay in aan yara iftiimiyo saamaynta ay islaax ku leedahay Somaliland ujeedada islaax ee Somaliland

Waxaan jeclahay shacabka reer Somaliland in aan u sheego in ay mudo dheer urur diimedka siyaasadaysan ee islaax ay soo dhabacanayeen mudo dheer in ay imaadaan qarka siyaasada ee laga hago wadanka sida golayaasha qaranka iyo xisbiyada qaranka waxay iila muuqataan in la gaadhay xiligii ay ka hilaaci lahaayeen somalilnad waxaan shaki ku jirin in ay miisaan culus ku leeyihiin golayaasha xeer dajintaiyo xukuumada iyo xisbiyada qaranka, sidaa awgeed samaynta ay islaax ku leedahay Somaliland waxa weeyi taladii hogaamineed oo ay gacan wayn ku leeyihiin iyo iyadoo la og yahay in aanay aamin sanayn gooni isku taaga iyo qaranimada Somaliland halka ururka islaax aamin san yahay barnaamuj heer caalamiya oo ay muqadas tahay mid nimada umada somaliyeed iyo xidhiidhka dawladaha carbeed ee ay ka taliyaan ururka islaax sida masar tunusia libiya iyo dawlada xasan sheikh maxamuud oo aan inoo qarin ujeedadisa waxa kale oo iyaduna saamayn teda leh oo mudan in aan iftiimiyo in madax waynaha dhawaan somlia loo doortay uu sheegay in uu yahay ururka islaax kuna shaqayn doono barnaamujka ururka islaaxwaxa taas raacda in wasiirka daakhililga ee Somaliland in uu warbaahinta inooga cadeeyey in ay madaxwaynahaas isku xisbi yihiin isla markaana ay xidhiidh lahaayeen xiligii doorashada kalana shaqeeyen in uu guulaysto ilaa maantana cid beenisay maynaan maqal cid qabsatay oo waydiisay afka uu ku hadlay iyo cida uu ka wakiil yahay waxa kale oo iyana xusid mudan inagoo shicib iyo dawlada wada joogna ay shir wayne hadh galay ku qabsadeen hotel mansor ee hargeisa oo wasiiro xukuumadan ka tirsani ay shirka fureen isla markaana ururka islaax ay ku doorteen hogaan iyo gulihii dhexe ee islaax ee Somali oo aynu hubno rag badan oo masuuliyad culus ka haya Somaliland waxa kale oo dayma deed leh markii ururka islaax ku guulaysta doorashadii dalka masar in wasiiro Somaliland ahi ay iska xaadiriyeen masar ilaa imikana la inooma sheegin ujeedada safarkaa iyo waxa Somaliland uga soo kordhay

Miyeynaan odhan Karin urur siyaasadeedka dimeed ee islaax ee caalamiga ah ayaa is hambalyey oo soo balamay guntii iyo gabo gabadii xisbiga kulmiye ee talada hayamudo dheer oo uu macaarid ahaa iyo hada oo uu talada hayoba waxa saarnayd calaamatul su aal dhinaca arimaha bulshada caalamka oo waxa la lahaa kulmiye waa ururo isku jira oo xag jir badan baa ku dhex walaaqan markii ugu horaysay ee golaha xukuumada la dhisay waxa soo if baxday in koox aan ugu yeedhno ama u aqaano boko haramta Somaliland ay taladii dalka miisan culus ku yeesheen oo ay muquuniyeen kulmiyihii caadiga ahaa isla markaana waxa soo if baxay biyo diid isa soo taraya oo inagaga yimid dawladaha aynu xidhiidhka leenahay sida kuwa jaarka iyo reer galbeedka iyadoo aad moodo in maalinba maalinta ka dambaysa ay sii wiiq mayso wada shaqaynteenii iyo iskaashigeenii.

Qormadan oo taxane ah la soco maal maha dambe

Comments are closed.