Ujeedada Safarka Uu Safiirka Turkigu Ku Yimid Hargeysa

0
486

Picture5Hargeysa (Geeska) – Safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland Mr Cemalettin Kanu iyo wefti uu Hoggaaminayo oo Ganacsato u badan ayaa socdaal shaqo oo qaadan doona muddo afar maalmood ah ku yimid Somaliland, waxaana madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyay xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee xukuumadda Somaliland.

Safiirka Turkiga oo ka hadlay booqashadiisa ayaa sheegay inay la xidhiidho sidii loo sii xoojin lahaa wax-wada qabsiga labada dal. Waxa kale oo uu tilmaamay inuu u socdo sidii loo sii ambo-qaadi lahaa wada hadalladii u socday Somaliland iyo Soomaaliya ee dalkiisu marti-gelinayay “Waxa ka mid ah ujeedada socdaalkayga sidii loo sii wadi lahaa wada hadalladii dalkayga Turkigu marti-gelinayay ee u dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya, inkasta oo ay jiraan mawduucyo siyaasiya, haddana waxaan rejaynaynaa in la sii wadi doono wada hadalladan” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “ayuu yidhi Danjiraha Turkigu.

Wasiirka qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ka mid ahaa masuuliyiinta soo dhaweeyay safiirka oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Waxa maanta (Shalay) inoo yimid Safiirka Turkiga iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayo oo ka yimid dalka Itoobiya, ujeedada socdaalkooduna waxa uu la xidhiidhaa sidii loo sii xoojin lahaa cilaaqaadka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, dhaqaalaha iyo siyaasadaba”

Safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta ahaan la kulmaan Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyaga oo maalinta ku xigtana la kulmi doona Wasiirada arrimaha dibadda iyo Masuuliyiin kale.