Faysal Iyo Cirro Oo Maalmahan Dalka Ku Soo Noqonaya Iyo Xaaladda Cakiran Ee Ay Sababay Doodda Qaran Ee Ay Iclaamiyeen

0
549

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo Waddani Md. Faysal Cali Waraabe iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dalka ku soo jeeda, isla markaasna la filayaa maalmaha fooda inagu soo haya inay dalka soo gaadhaan; iyada oo uu sare u sii kacaayo khilaafka xukuumadda iyo xisbiyadda mucaaradka ah ee ay sababay dooda qaran ee ay abaabulayaan xisbiyadda mucaaradka ahi.

Qabashada ay xisbiyada mucaaradka ah qabanayaan dooda qaran ee ay ku baaqeen ayay xukuumaddu si adag uga soo hor jeesatay iyada ku tilmaamtay waxaan sharcigu u golayn, waxaana haataan dagaal siyaasadeed arintaas la xidhiidha uu guddoomiyaha xisbigaWaddani kaga furmay golaha wakiilada oo uu guddoomiyo, kaas oo la aaminsanyahay inay xukuumadu dabada ka riixayso.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa la filayaa in maalinta Isniinta ee fooda inagu soo haysa uu dalka ku soo laabto, isaga oo haatan ku sugan magaalada Dubai. Sida oo kale guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiilada  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi( Ciro), ayaa isagana la filayaa inuu dalka ku soo laabto maalinta Salaasada ah , waxaanu isaguna ka soo jeeda dalka Norway oo uu soo gaadhay dhawaan.

Guddoomiyaa xisbiga Waddani ahna guddoomiyaha golaha wakiilada ayaa isaga la filayaa in si gaar ah uu u soo waajaho loolanka ka socda golaha wakiilada ee ay ku jiraan labadiisa ku xigeen oo intii dalka uu ka maqnaa meesha ka saaray isku shaandhayntii uu ku sameeyay gudi-hoosaadyada golaha wakiilada, iyada oo la eegayo sida uu u maareeyo caqabadaas ka soo waajahday labadiisa ku xigeen, oo dhanka xukuumadda u janjeedha.