Twitter Oo Xilkii Madaxweynenimo Ka Wareejiyey Trump, Caddeeyeyna Sida Uu Xilka Kaddib Ula Dhaqmi Doono

0
511

Saacado yar kaddib markii ay warbaahinta Maraykanku ku dhawaaqday in Joe Biden uu helay codadkii ugu badnaa ee doorashada madaxweynaha Maraykanka, ayaa ay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Twitter tirtirtay kelmaddii Madaxweyne ee ka horreysay akoonka uu shabakadaas ku leeyahay Donald Trump, waxa aanay ku deysay madaxweynaha 45-naad ee Maraykanka.

Twitter ka ayaa afartii sano ee u dambeeyey ahaa madasha warbaahineed ee uu ugu jeclaa in uu mariyo farriimaha maamulka dawladda la xidhiidha iyo kuwa siyaasadeed ee ka madaxbannaan labadaba. Laakiin muddadaasba si joogto ah ayaa uu u xumanayey xidhiidhka shabakadda Twitter ka iyo madaxweyne Trump oo bogga uu ku leeyahay ay la socdaan 89 milyan oo qof.

Joe Biden ayaa isaguna daqiiqado yar kaddib markii warbaahintu sheegtay in uu guulaystay waxa uu beddelay xilkii ugu qornaa bogga twitter ka, waxa aanu magaciisa ka horreysiiyey madaxweynaha la doortay. Isaga oo ku sii daray, sayga Jill Biden, aabbo iyo awoow ku faraxsan, diyaarna u ah in uu dib uu dalka dib ugu dhiso si u wanaagsan dadka Maraykan oo dhan” Biden waxa bartiisa Twitter ka la socda 19 milyan, tiradaas oo aad uga yar tirade dadka la socda Trump.

Xidhiidhka madaxweyne Trump iyo warbaahinta dalkiisa ayaa aad u xumayd tan iyo markii uu xilka qabtay, waxa aanu mar kasta la soo taagnaa in warbaahintu ay warar been abuur ah ka faafiso isaga iyo xukuumaddiisa. Marka laga reebo shabakadda Fox New oo uu tifatirkeedu la dhacsanaa siyaasadaha Trump, talefishankeeduna ahaa Meesha keliya ee wararkiisa laga buunbuuniyo, ka hor intii aanay si adag uga hor iman doorashada kaddib markii uu madaxweyen Trump ku dooday in uu isagu guulaystay iyo in xisbiga dimuqraaddigu uu doorashada ku shubtay, laakiin uu talefishankaasi isagu sheegay in Madaxweyne Trump laga guulaystay.

Baraha bulshada ee Twitter ka iyo Facebook ayaa marar badan beeniyey, tirtiray ama hadal beenin u dhigma dulsaaray hadallo u uku faafiyey madaxweyne Trump, arrintaas oo cadho badan ku abuurtay Trump oo isna ku hanjabay in uu soo saari doono sharci lagula xisaabtamayo baraha bulshada.

Shirkadda twitter kuma ay koobnaan in ay xilka madaxweyne ka tirtiro Trump, balse waxa kale oo ay shaaca ka qaadday habka ay damacsantahay in ay Trump ula macaamisho marka uu xilka wareejiyo kaddib. Warmurtiyeed ay soo saartay shirkaddaTwitter ayaa ay ku sheegtay marka uu madaxweynaha la doortay xilka la wareego 20 ka jeenaweri 2021 ka, akoonkiisa ay marin doonaan xeerarka iyo shuruucda caadiga ah ee ay mariyaan ruux kasta oo ka mid ah dadka shabakadda isticmaala.

Hadda shirkadda Twitter ku farriimaha xeerarkeeda jebinaya ee ay qoraan hoggaamiyeyaasha dunida iyo siyaasiyiinta murashaxiinta ah ama la doortay iyo masuuliyiinta xukuumaduhu waxa ay dusha sare kaga qortaa diginin ay ku sheegayso in ay tahay arrin aan la hubin, arrin khilaaf ka taagan yahay ama arrin bulshada khilaaf ku dhex abuuri karta iwm. Waxa aanay qarisaa muuqaalka hore ee farriinta oo ay dusha ka saarto batam qofka doonaya oo keliyi gujinayo si uu u arko. Laakiin waxa ay shirkaddu warmurtiyeedkeeda ku sheegtay in sidaas aanay ula dhaqmi doonin madaxda xilalka hayaa marka ay ka degaan kursiga. Balse ay ku qaadi doonto xeerka dadka caadiga ah oo ah in ay tirtirto farriimaha ay soo qoraan ee baalmaarsan xeerarka u yaalla.

Shirkadda Facebook oo iyaduna ka mid ah shabakadaha uu isticmaalo Trump balse ka aan la mid ahayn sida uu u isticmaalo Twitter ka ayaa marar badan dabooshay farriimo uu soo dhigay oo ay sheegtay in ay burinayaan xeerarkeeda isticmaalka. Laakiin weli ma’ay caddayn sida ay Trump ula macaamili doonto xilka kaddib.