Faysal C. Waraabe Oo Dadka Madaxda Ah Ku Eedeeyay Inay Aabbo U Yihiin Qabyaaladda Ka Jirta Somaliland

0
572

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay dhibaatada Qabyaaladdu ku hayso Shacabka Somaliland.

Faysal oo hadal ka jeediyey Munaasibad loo sameeyay Xulka Gobolka Daad-madheedh uga qayb-galay Tartankii Gobollada dalka, ayaa sheegay in doorashadii Madaxtinimo ee Somaliland ka dhacday sannadkii 2017-kii lagu codeeyay Qabyaalad, laakiin aan wax wanaagsan lagu dhaxlin.

Faysal Cali Waraabe wuxuu sheegay in Qabyaaladda ay Shacabka Somaliland dhibaatada ku qabaan ay wadaan Madaxdu, haddiise ay Madaxdu iska dhaafi lahaayeen ku dhaqanka Qabyaaladda ay shacabkuna dariiqaa raaci lahaayeen.

Faysal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Qabiilka waxa wadaa waa Madaxda, haddii Madaxdu Qabiilka ka caaggan tahay Shacabkuba wuu ka caagannaan lahaa, markaa waxay ina tusaysaa in Qaranimadii aynu dhisanay aynu hoos uga sii socono oo Reer reer la tagayo.”

Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu la hadlay Habkii Qabyaaladda loogu isticmaalay doorashadii Somaliland ka dhacday 2017-kii “Waxaad ogaataan inaan Qabiil Garoon samaynayn, Tolaayeeydiina natiijadeedii waynu haysanaa oo doorashadii dhawayd Aniga reer Yaraan baa la igu riday oo reerihii waaweynaa baa Tartamay, oo waxa la yidhi Tollaay yaa Habar Yoonis ah, Tollaay yaa Sacad Muuse ah, maxaynu ka Macaashnay, waxaynu ka macaashnay Fartaynu qaniini doonaa ayaynu ma macaashnay, hadda ayaa iska wada Qaniinaysaan ee ha iska jabinina doorashada kale ayaa ku codayn doontaane.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Nidaamkaa Dawladnimo ee aynu Maanta haysano iyo Nabadgalyadaa meelo badan baan laga haysan, haddii Maamulku xumaado Cod baa lagu beddelaa, reerna lagu beddeli maayo, Xabadna lagu beddeli maayo.”

 

Geeska.net/Hargeisa Office