Ninka Ugu Maalqabeensan Adduunka Ayaa Sheegay In Uu Caalamka Ka Tirtirayo Gaajada, Laakiin Qaramada Midoobey Ayaa Hadallo Ku Jees-Jees Ah Ugu Jawaabtay

0
754

Elon Musk, Maalqabeenka Maraykan ee ugu dhaqaalaha badan adduunka ayaa dhowaan ku faanay in uu ku deeqi doono lacag dhan 6 Bilyan oo doolar, si uu gaajada uga tirtiro adduunyada oo dhan. maalqabeenka oo farriintan boggiisa Twitter ka ku qoray ayaa sii raaciyey hadallo duurxul ah oo ay dad badani u arkeen xanaf iyo in uu dhaliilayo Qaramada Midoobey. Waxa uu qaramada midoobey ku cariyey in ay awood u leedahay in ay u soo caddayso sida ay u isticmaali doonto hantida gaadhaysa lixda bilyan ee doolar ee uu ugu talagalay in lagula dagaalamo gaajada.

Elon Musk waxa uu farriintiisa ku sheegay in haddii ay Qaramada Midoobey awooddo in ay muujiso sida ay u isticmaali doonto lacagtan oo sugan, in uu isaguna iibin doono saamiyada shirkaddiisa Tasla , kaddibna lacagta uu ugu deeqi doono barnaamij qaramada midoobey hoggaamiso oo lagu cidhib tiro gaajada.

Hadalkan Elon Mask ayaa u muuqday in uu jawaab u yahay hadal uu hore u sheegay David Beasley, agaasimaha guud ee hay’adda cuntada adduunka oo mar uu u warramay talefishanka CNN ee Maraykanka ugu baaqay maalqabeennada adduunka oo uu magacaabay Elon Musk iyo Jeff Bezos, in ay bixiyaan lacag 6 Bilyan oo doolar ah, lacagtaas oo uu ku sheegay in ay aad u yartahay marka la barbardhigo wadarta maaliyadda ay haystaan. Si Malaayiin qof looga badbaadiyo gaajo ay qarka u saaran yihiin.

Markiiba Qaramada midoobey ayaa maalqabeenka ugu soo jawaabtay hadal duurxul u badan oo ay maalqabeenka ku carinayso in dhankeeda ay diyaartahay. ayaa qoraal jawaab u ah Elon Musk oo uu bartiisa Twitter ka soo dhigay waxa uu yidhi, “Gaajadu waa aafo degdeg ah, aan heerkeeda hore loo arag, haddana laga hortegi karo. Elon Musk, waxa aad na weydiisay qorshe cad oo daahfuran, waana kan” ayaa uu yidhi isaga oo ku lifaaqa Warbixin si cad oo faahfaahsan uga warramaysa sida ay qaramada midoobey u maamuli doonto lacagtaas haddii uu ku deeqo, si xal loogu helo mushkiladdan Caalamiga ah”

Beasley oo la hadlaya Musk ayaa yidhi, “Diyaar baa aannu u nahay in aanu wadahadal la yeelanno adiga iyo qof kasta oo kale oo ay ka dhabtahay in uu badbaadiyo arwaaxda”

Elon Musk ayaa toddobaad ka hor hadalkiisan waxa uu iibiyey boqolkiiba toban ka mid ah saamiyada shirkadihiisa, kaddib markii ay shabakadda xidhiidhka bulshada ee Twitter samaysay rayi ururin natiijadeedu noqotay in dadku ay taageersan yihiin in uu saamiyada shirkaddiisa boqolkiiba 10 iibiyo. 3.5 Qof ayaa ka qaybqaatay rayi ururintaas. Waxa iyaduna soo xoogaysanaysa aragtida ay xildhibaannada golaha wakiillada ee xisbiga Dimuqraaddigu ku dalbanayaan in goluhu uu cashuuro dheeraad ah ku soo rogo dadka hantiilayaasha ah, iyada oo meelaha la beegsanayo ay ka mid tahay saamiyada iibka u yaalla ee shirkadda, kuwaas oo imika aanay dawladdu cashuurin illaa la iibsado.