Turjumaad La’aan Ayaa Sababtay In Ruushku Uu Joojiyo Duulimaadyadii Isaga Gooshi Jiray Masar Iyo Dalkiisa

0
472

Qaahira (Geeska)- Masuul ka tirsan wasaaradda duulimaadyada iyo hawada sare ee dalka Masar ayaa xaqiijiyey in Moscow ay u sheegtay sababta ay diyaaradaheedii rayidka ahaa ee Masar tegayey ay u joojisay ay u joojisay in ay tahay barnaamijka nabadgelyada diyaaradaha ee dowladda Masar dhowaan samaysay oo aan loo turjumin afka Ruushka. Masuulkan oo u waramayey Talefishanka Al-Carabiya waxa uu sheegay in safiirka Ruushka u jooga dalka Masaru u diray koox turjumaanno ah oo barnaamijkan u beddesha afka Ruushka, kadibna markii uu Moscow u gudbiyey loo sheegay in Ruushku uu u baahan yahay waqti uu dib ugu eego barnaamijka. Waxa kale oo uu sheegay in hadda ay dalka Ruushka la wadaan wada hadallo la doonayo in lagu falanqeeyo qaladaadka Ruushku tirsanayo, si Ruushkuna dhinaciisa uu dib u bilaabo duulimaadyadii Masar ay diyaaraddoodu ku imanaysay.

Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Ruushka ayaa isna mar uu sabtidii hore hadlay sheegay in sababta ay u joojiyeen duulimaadyadii isku xidhayey dalka Masar ay tahay cabsi ay ka qabaan tallaabooyinka ammaan ee dowladda Masar ku maamusho duulimaadyada hawada sare oo aanay ku qancin. Warkan oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa lagu xaqiijiyey in khasaaraha dhaqaalaha Masar ka soo gaadhaya joojinta duulimaayada isaga goosha Masar iyo Ruushku uu gaadhayo 285 Milyan oo doolar bishii. Guud ahaanba ammaanka dalka Masar ayaa si isa soo taraysa looga dayrinayey tan iyo markii Janaraal Cabdifataax Siisi uu xukunka dalkaas xoog kaga maroorsaday madaxweynihii abid hannaan dibmuqraaddi ah dalkaas loogu soo doortay Maxamed Mursi.