Trump Oo Xiisaynaya In Uu La Kulmo Hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Keliya Si Uu U Gacan Qaado Uguna Yidhaahdo “Iska Warranna”, iyo Jawaabta Kim Jung-Un

0
730

Washington (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, oo booqasho ku tagayey dalka Kuuriyada Koonfureed ee xulafada la ah Maraykanka, ayaa jimcihii 29 ka juun Sheegay in uu danaynayo in muddada uu joogo Kuuriyada Koonfureed uu danaynayo in uu hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jung-Un, kula kulmo xadka labada Kuuriya.

Madaxweyne Trump ayaa bartiisa twitter ka ku qoray, “Kaddib markii aanu kulamo aad u muhiim ah yeeshay, oo uu ka mid yahay kulankii aan la qaatay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxa aan dalka Jabbaan uga ambabixi doonaa dhinaca dalka Kuuriyada Koonfureed, si aan ula kulmo madaxweyne Moon. Inta aan halkaas joogo, haddii ay la qumanaato hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, waxa aan kula kulmi doonaa xuduudka keliya si aan u gacan qaado, uguna idhaahdo Iska warran”

Madaxweyne Trump ayaa khamiistii gaadhay dalka Jabbaan, oo uu kaga qaybgalayey shir madaxeedka labaatanka dal ee ugu dhaqaalaha badan dunida, oo magacooda G-20 loo yaqaanno.

Kulanka sannadkan ee G-20 ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo ay dunida ka taagan yihiin muranno ganacsi, xiisado siyaasad-dhuleed iyo cabsi ka imanaysa isbedelka cimilada iyo amni darro, arrimahaas oo ay masuuliyiintani ka wada hadleen.

Madaxweyne Trump ayaa dalka Kuuriyada Koonfureed u tegeyey xaaladaha ka soo cusboonaaday dalka ay is hayaan ee Kuuriyada Koonfureed, kaddib markii hdowaan uu dalkaasi sameeyey dhaqdhaqaaq dhinaca hubkiisa Nukliyeerka ah. taas oo uu joojiyey muddo ka hor markii ay sidaas ku heshiiyeen madaxweyne Trump iyo hoggaamiye Kim Jung-Un oo markaas ku kulmay dalka Singapore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here