Nin Qolfoof Noqday Oo Isaga Nool Laga Soo Badbaadiyey Xero Madax Kuti Kayd Cunto Ahaan U Dhigatay

0
1525

Moscow (Geeska)- Nin u dhashay dalka Ruushka oo u ekaaday qolfoof mayd ayaa isaga oo nool laga soo badbaadiyey xero buti, oo uu muddo bil ah dhex yaallay, kaddib markii inta ay dhabarka ka jebisay kayd cunto ahaan u dhigatay.

Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Alexander, ayaa ey ay wateen koox ugaadhsadayaal ahi uu ka helay baadiyaha gobalka Tuva, meel ku dhow xuduudka dalka Mongolia. Ugaadhsatadan oo uu eygu soo hagay, ayaa markii ay dul yimaaddeen ninkan, waxa ay bilowgii u fahmeen in uu yahay mayd, barafka Meesha ka da’a awgeed aan qudhmin ee qolfoof diirku ku dheggen yahay uu noqday. Laakiin cabbaar markii ay dul joogeen kaddib ogaaday in uu ninku nool yahay.

Muuqaal argagax leh oo laga duubay ayaa muujinaya in Alexander wejigiisa iyo jidhkiisa uu daboolay dhiig ku qallalay, maqaarkiisuna inta uu dhintay isu beddelay midab caddaan ah, halka indhihiisa daalku ka batayna ay dirqi ku kala furmayeen.

Madax kutida ama butida hadba sida loo yaqaanno oo ku nool dhulka qaboobaha ah ayaa lagu yaqaannaa in ay qayb ahaan ama gebi ahaanba aasto xayawaannada ay disho ama hilibka ay hesho, kaddibna maalmo iyo toddobaaddo kaddib dib ugu soo noqoto si ay ula baxdo oo ay u cunto.

Saynisyahan lagu magacaabi jiray Ivan V. Seryodkin oo ka tirsan akademiga sayniska ee dalka Ruushka ayaa hore u sheegay in sababta uu xayawaankani sidaa u yeelaa ay tahay in uu ka qarsado ugaadhsatada iyo in hilibku marka uu qudhmo ee jilco uu cuno.

Alexander oo ay butidu xangulaha dhabarka hanagulaha dhaawacday, sidaa awgeed aan kici Karin ayaa dhakhaatiirta loo geeyey ka yaabiyey markii uu la hadlay. Waxa uu sheegay in maadaama oo aanu socon Karin uu ka baqay haddii butidu dhaqdhaqaaq ka aragto in ay ku soo noqoto oo ay disho. Waxa uu sheegay in kaadidiisa uu biyo ka dhigan jiray.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in ay mucjiso tahay, sida uu ninkani uga badbaaday bahalkan iyo ta ka daran oo ah sida uu muddo bil ah nolosha sidan u ekesiisay ugu badbaaday.

Wararka ay warbaahinta Ruushku ninkan ka qorayso ayaa sheegaya in ninkani uu magaciisa koowaad xasuusan yahay, laakiin aanu magaca oo buuxa iyo magaca qoyska midna xasuusnayn, sida oo kale aanu garanayn da’diisa.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in uu Alexander qabo dhaawacyo aad u xun iyo nudo badan oo jidhkiisa ka mid ah oo qudhmay jiifkii muddada dheer ahaa awgii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here