Iska Jir Dadka Sunta Ku Ah Shaqada Jaalka aan shaqadu meel ugu joogsan

0
209

Celcelis ahaan 90 kun oo saacadood oo u dhigma 10 sano oo noloshiisa ka midah ayaa uu ku qaataa shaada. Sidaas waxaa daraasad ay samaysay ku ogaatay Jessica Pryce-Jones oo ku qortay buuggeeda ‘Happiness at work’. Marka waqtigaas badan ee lagu qaadanayo la eegana shaqada waxa ay noqonaysaa waxa ugu badan ee uu Qofku waqtigiisa ku qaato marka hurdada laga yimaaddo. Haddaba shaqada waxa ay marar badan ina bartaa dad dabeecado kakan leh oo mararka qaarkood shaqada kaaga dhigi kara cadaab aanay niyaddu ku siinayn sii joogisteeda. Waxaa ugu yar maamulahaaga oo mar kasta sida ruux ay isku cusub yihiin kuula dhaqma ama aad ka dareento in aanu kalsooni kugu qabin, sidaas awgeed hadba qof ku dabagala kugu soo jiheeya.

Waxaa iyaguna saacadahaaga shaqo madax xanuun iyo cadho joogto ah ku noqon kara dabeecadaha qaar ka mid ah dadka aad jaalka shaqo tihiin ama maamulayso; dad dhaliil badan, kuwo isku dirka shaqaalaha iyo maamulka waqtigooda ku lumiya, iyo qaar iyagu dhaliisha uun u diran. Qormadan oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera waxa aynu ku eegaynaa noocyada dadkaas aynu shaqada isugu imanaynaa ay yeelan karaan:

Maangaabnimadu ma u dhalashaa?

Deegaanka Bulsho ee aynu ku noolnahay waxa uu saamayn ku yeeshaa dabeecaddeena, mararka qaarkoodna waxa uu qofka ka dhigaa maangaab, xitaa isaga oo aan marka hore qofku u dhalan. Cilmibaadhiso la sameeyey ayaa lagu ogaaday indadka awoodda maamul haystaa ay inta badan dadka kale ka hadal badan yihiin, iyo in ay marar badan ku kacaan falal dadka kale maangaabnimo u arkaan iyaga oo aandan ka galayn waxa dadka kale ku odhanayaan ama ka doonayaan. Dhibata ugu badan ee ay madaxnimadu leedahay waa in ay qofka illowsiiso qiimaynta runta ah ee shakhsiyaddiisa. Deborah Greenfield oo ah cilmibaadhe ka tirsan jaamacadda Standford ayaa muddo sannado ah wadday cilmibaadhis ay ku raadinayso raadka uu mansabku ku yeesho qofka. Waxa ay ogaatay in mansabku xitaa haddii uu hooseeyo in uu haddana wax ka beddelo hannaanka uu qofku u fikiro iyo sida uu dadka ula dhaqmo dadka kale, inta badanna isbeddelkaasi waxa uu noqdaa mid taban. Cilmibaadhisuhu waxa ay caddeeyeen in awooddu ay qofka ku adkayso in uu arrimaha ka arko dhinaca ay dadka kale ka arkayaan.

Noocyada Maangaabnimada

Cilmibaadhis ay samaysay shirkadda ‘Connectria Hosting” ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 83 dadkii sahaminta lagu sameeyey ay  shantii sano ee ugu dambeeyey la macaamilayeen dad soo gelaya dabeecadaha maangaabnimada lagu yaqaanno. Markii la sii baadhayna waxaa la ogaaday in meelaha ugu badan ee ay kula kulmeen ay tahay goobaha shaqada.

Macaamilka dadka maangaabka ah ee aynu goobaha shaqada isugu tagno waxaa inta badan jaangooya nooca shaqada isu keen keentay iyo waajibaadka innaga dhexeeya, si kastaba ha ahaato ee daraasaddani ay samaysay waxa ay xustay noocyada maangaab ee ugu badan ama inta badan dadka sahaminta lagu sameeyey ay sheegeen in ay ku soo noqnoqdeen.

Wax kasta aqoon:

Waxaa jira shakhsiyaad jecel in ay wax kasta oo dhacayaba farageliyaan. Waxa ay dhaqan u leeyihiin in ay isku hawlaan sixidda qaladaadka dadka ay wada shaqaynayaan. Waxa ay jecel yihiin in ay iyagu dadka oo dhan u yeedhiyaan waxa ay tahay in ay sameeyaan, xitaa haddii waxa laga hadlayaa aanu ahayn takhasuskooda ama aanu waajibaadkooda shaqo ku jirin. Su’aal kasta jawaab buu u hayaa, mushkilad kastana xalkeeda waa uu ka hadlaa. Waxa uu ku andacoodaa in uu wax kasta waayoaragnimo ka leeyahay. Ceebta kale ee uu leeyahay waa in aan sheeko lala wadaagi karin maadaama oo aanu qofka hadalka uga baxayn, taasina waxa ay keentaa in aanay is fahmin ama cadho ka dhex abuuranto qof kasta oo ay shaqada su’aalo iska weydiiyaan.

Iscajabin / Is mahadin (Narcissism)

Qofku in uu wax kasta naftiisa la jeclaado, Ani-Anida iyo isa sarraysiintu ku badan tahay mar kastana isu arko in uu muhiim yahay waa calaamado lagu garan karo in uu qabo xaaladda nafsadeed ee ‘Narcissism’ ka loo yaqaanno oo ah qofka oo wax kasta oo uu doono in uu helaa ay waajib la noqoto xitaa haddii helitaankaasi dadka kale dhibaataynayo. Magaca Narcissism waxaa laga soo qaatay shakhsiyadda sheekabarely Giriiggii hore laga soo tebiyo oo sheegaysa jiritaanka nin magacan leh oo qurux abuurtiisa wax u dhigmaa aanay jirin, waxa uu quruxdiisa arkay mar uu hoos u eegay biyo fadhiya, kaddibna naftiisa ayaa uu caashaqay illaa uu jacaylkaas u dhintay.

Iscajabintu waa dhibaato Bulsho iyo aqooneed, haddii qofka aad wada shaqaysaan ama shaqada kugu maamulaya aad ku aragto in uu isku yaqaanno shakhsi wax la mid ahi aanu jirin shakhsiyaddiisa iyo xirfadaha uu yaqaanno oo aanay cid kale la wadaagin. Qof isu haysta in faa’idada iyo waxtarka ay ku qabaan dadka ku xeerani ay ka badan tahay faa’idada uu isagu ku qabo. Waxa aad ogaataa in shakhsigaasi uu leeyahay shakhsiyad is mahadin ah. Waxa uu inta badan caan ku yahay in uu ka shakiyo afkaarta ay dadka ku xeerani u soo jeedinayaan, waxa aanu nusqaan ka dhex arkaan soo jeedimahooda, waana sababta ay inta badan u raadiyaan mansabka, iyaga oo doonaya in ay awood u helaan amar soo rogis, iyo in uu maamulo ama la socdo filalka iyo habdhaqannada dadka ay shaqo wadaagga yihiin.

Dhibbane

Waxaa jira saaxiibbo shaqo oo dabeecad u leh in ay mar kasta isu qaataan ama iska dhigaan dhibbane, dhib kasta oo dhacdana canaanteeda ay saaraan jaalka ay wada shaqaynayaan, deegaanka iyo dabeecadda shaqo, ama wax kale oo kasta keliya si ay uga fogaadaan in ay masuuliyaddooda dusha u ritaan waxa ka dhalanayana dulqaad u yeeshaan. Macnuhu maha in uu yahay qof shaqaale hoosaas ah oo keliya, balse xitaa isaga oo maamul ah ayaa uu jecel yahay in aanu qaadan masuuliyadda go’aamadiisa.

Waa saaxiib mar kasta shaqada wax fiican ku soo Daraya, laakiin dhibaatooyinka joogistiisa shaqada waxaa ka mid ah in aanu ku qancin meel kasta oo shaqada la gaadhsiiyo, sidaas awgeed guul kasta oo shaqada laga gaadhaba waa ay adagtahay in uu bogaadiyo. Isaga waxa mar kasta u muuqanaysa yoolka aan weli la gaadhin iyo galdaloolooyinka shaqo ee jira, sidaas awgeed meel ka sii fiicanhalka la joogo ayaa uu raadinayaa.

Jaalka noocan ahi inkasta oo uu si guud ugu muuqdo qof shaqada wanaajinaya haddana runtu waxa ay tahay in uu caqabad ku yahay habsami u socodka hawshan, iyo in si dhaqso ah shaqooyin badan looga gudbo. Waxaa ku badan wax ka beddelka, dib u habaynta iyo qurxinta, sidaas awgeed mar kasta waxa uu la daahaa gudbinta waajibaadka shaqo ee u yaalla.

Jaalka mashquulka badan

Waa arrin caan ah in shaqo kastaba laga helo shakhsi noocan ah. Meel kasta oo aad tagto waxa aad kula kulmaysaa jaal shaqo oo mar kasta mashquul ah. Dhibaatooyinkiisa waxaa ka mid ah waqti kasta oo shaqo oo aad la qaadato iyo kulan hawleedka uu galaba in uu u arko Waqti lumis iyo in uu ka lumay Waqti qiimo badan oo uu hawl muhiim ah qabsan lahaa.

Shaqo kasta oo cusub oo loo diro waxa uu u arkaa in ay tahay culays lagu kordhiyey, ceebta kale ee uu leeyahay waa in uu isu yaqaanno qofka keliya ee shaqada ugu badan ama ugu muhiimsan haya sidaas awgeed mar kasta jadwalkiisu firaaqo malaha. Waqti falanqayn ama wax ka beddel shaqo laga fikiro ma hayo, waxa aanu ku andacoodaa in Waqti aanu u haynin.

Hinaasi

Jaalka hinaasiga ah waxa aad ku garan kartaa in aanu weligiiba kugu waafiqin qorshe iyo talo aad keento, xitaa marka ay tahay arrin shaqada ka baxsan. Waxa ay u badan tahay in uu inta badan iska kaa indha mariyo ama uu ka warwareego la sheekaysigaaga. Waxa aad arkaysaa isaga oo tartan aanad ogeyn kugula jira, waxa aana marar badan lagu arkaa in shaqadaada iyo guulahaaga uu dadka kale u xaqiro marka aad ka maqantahay. Marka aad la joogtana waa uu ku ammaanaa, si uu u qariyo hinaasaha uu kuu qabo.

Isku dhedhejiye

Waa jaal waqtigiisa ugu badan ku qaata u dhowaanshiyaha iyo isku dhejinta maamulkiisa. Waxa uu aaminsan yahay in sarraynta iyo guushu ay ku iman karto oo keliya in uu ammaan iyo bogaadin helo. Waa qofka ugu horreeya ee shaqaalaha ku diida aragtida cusub iyo hal abuurka, haddii uu dareemo in aanu maamulihiisa shaqada ogolayn. Waana qofka ugu horreeya ee dhiirrigeliya wax kasta oo qaldan oo uu laakiin u arko in madaxdiisu ka raalli tahay.

Sidee uu maangaabku shaqada caqabad ugu noqon karaa?

Cilmibaadhis uu sameeyey Bennett Tipper oo ah baresare oo waxkadhiga jaamacadda Georgia ee dalka Maraykanka ayaa sahamintii uu sameeyey ku ogaaday in shaqaaluhu ay marar badan la kulmaan maamuleyaal xaqiraya kartidooda iyo hawlqabadkooda ama iska indha tiraya guulaha shaqoee ay gaadhaan. Halka kuwo kalana ay maamulayaasha kala kulmaan aflagaado, taas oo marar badan sabab u noqtay in dad shaqaale ahi ay shaqada iskaga tagaan. Halka shaqaale kale oo badanina ay la kulmaan niyadxumo iyo xaalado nafsi ah oo shaqadana dhaawac ku keenta qofkana caafimaadkiisa aan u fiicnayn.

Raadka caafimaad

In aad la shaqayso jaal ama maamul maangaab ahi saamayn kuma yeelato shaqada oo keliya, balse sida ookale waxa ay khatar ku tahay caafimaadkaaga. Sida lagu ogaaday cilmibaadhis ay sameeyeen kuliyadaha Haas Business School iyo The London School of Economics and Political Science, shaqada oo uu Qofku kala kulmo cadaadis iyo habdhaqan qallafsan oo maamulaha ama shaqaaluhuba ku kacayaan waxa ay keeni kartaa in ay ku dhacaan xanuuno jidheed oo madax xanuun, hurdo la’aan iyo dhibaatooyin dhinaca caloosha ahi ka mid yihiin, iyo xanuuno nafsiya oo ay ka mid yihiin qulub iyo warwar.

Raad shaqo

Inta badan dhibaatooyina shaqada dhexdeeda ka jira kuma koobnaadaan shaqada, balse dareenka xun ee Qofku ka soo qaado dhibtaas shaqada waxa uu u soo guuraa guriga iyo asxaabta. Sidaas waxaa ka marag kacday daraasad ay samaysay majaladda ‘The Journal of Organizational Behavior’ ayaa lagu ogaaday in shaqaalaha ka cadhaysan qof ay wada shaqeeyaan ama maamulahooda shaqada ah, ay inta badan raad taban ku yeelato xidhiidhadooda guriga.

Raad xirfadeed

Dadka maangaabka ah oo aad la shaqaysaa waxa ay abuuraan dhibaatooyin shaqo, iyo in xaaladda shaqaalaha iyo kala socodka hawshuba isku murgaan, sida oo kale waxa ay abuuraan xaalad nafsi ah oo niyadjabku uguhorreeyo, arrimahaasi waxa ay si taban u xakameeyaan awooddii shaqo iyo hal abuurkii qofka, iyo shaqo wanaaggii.

Hubka aad ku waajihi karto

Inkasta oo ay kala duwan yihiin noocyada maangaabka shaqada aad kula kulmi kartaa, isla markaana dhibtoodu kukala duwan tahay deegaanka shaqo, sidaas awgeed aan si isku mid ah loo wada xallin karin, haddana waxaa mar kasta jira hab guud oo lagu waajihi karo, waxaana ka mid ah;

Ku caddee

Waxaa jira dad badan oo leh tilmaamaha maangaabka aynu ku sheegnay laakiin aan isku ogeyn, sidaas awgeed waxaa fiican in aad si deggen ugu sheegto tilmaamaha iyo dabeecadaha aanad jeclayn in aad ku aragto qofka aad wada shaqaynaysaan, si uu isagu naftiisa u xisaabiyo in uu dabeecadahaas leeyahay. Ku dadaal in aad si ladifan ula hadasho, laakiin uu ka arko hal-adaygaaga iyo sida arrinta aad ka hadlaysaa u tahay mid aad ku dheggen tahay. 

Ka warwareeg la macaamilkiisa

Shakhsiyadda dabeecadaha maangaabnimada ah leh sida ugu habboon ee aad uga badbaadi karto dhibtoodu waa in aad intii suurtagal ah ka dheeraato la macaamilkooda. Isaga oo maqlaya cid jaalka shaqada ka mid ah ha ka waraysan arrimo shaqadaada la xidhiidha si aanu u helin fursad uu ku soo dhexgalo. Intii suurtagal ah ka dheeroow kulamada uu joogo ee aanay qasab kugu ahayn ka qaybgalkoodu. Ku dadaal in xidhiidhkiinu uu intii suurtagal ah koobnaado, nidaamka shaqo ee rasmiga ahna ahaado.

Kordhi Iskacaabbinta nafsaddaada

In wax kasta laga jawaabaa ma’aha xalka mar kasta habboon. Dadka maangaabka ahina waxa ay fursad ka dhigtaanba dareen celinta ay qofka ka helaan. Isku day in aad maangaabka ka ilaaliso in uu ogaado dareenkaaga cadhada ama ka xumaanshiyaha ah si aanu guul u dareemin.

Xuduud isaga dhig

In aad u jawaabto ruuxa maangaabka ahi ayaanay adiga kaa dhig maangaab. Iska jir in aad u fiirsato habdhaqannadooda aan munaasabka ahayn iyo indha adaygooda joogtada ah. Muhiim ma’aha in aad si cad ugusheegto sida ay tahay in uu kula hadlo, iskana jir in aad fursad u siiso in uu shaqadaada soo dhexgalo ama faallo qudhsimaad ku jiro oo aad nacdo uu ka bixiyo.

Markii aad ka tegi lahayd ayaa la gaadhay

Haddii shakhsiga maangaabka ahi uu kaalin lagama maarmaan ah kaga jiro shaqadaada, suurtagalna aanay ahayn in aad bannaanka ka joogto, waxaa waajib ah in aad isu diyaariso sidii aad uga tegi lahady. Gaar ahaan marka aad aragto in aanay shaqaynayn iskudayada aad kaga durkayso dhibaatadiisa.  In aad ka shaqayso goob shaqo oo aanay naftu raalli ku ahayn ama dhibaato iyo diiqad badani ak soo gaadhaysaa waxa ay khatar ku tahay caafimaadkaaga nafsadeed, sidaas awgeed markan oo kale waa in aad dhaqso u raadsato shaqo kale. Dhammaad.