Trump Oo Isku Dayey In Uu Iiraan Siiyo Balaayiin Lacag Baada Ah Si Ay Heshiiskii Nukliyeerka Ugu Soo Noqoto

0
985

Washington (Geeska)- Shabakadda wararka ee Daily Beast oo dalka Maraykanka laga leeyahay ayaa heshay xogo lagu kalsoonyahay oo sheegaya in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Mike Pompeo ay muujiyeen in diyaar u yihiin in madaxweynaha Faransiiska Emanuel Macron uu ergo ugu tago dalka Iiraan, kuna qanciyo in uu dalkaasi Maraykanka ka qaato 15 Bilyan oo doolar oo lagu magacaabay dammaanad qaad. Lacagtaas oo ah in dalka Iiraan lagu laaluusho in uu ku sii dhaqmo heshiiska nukliyeerka Iiraan iyo dalalka waaweyn ee uu Maraykanku ka baxay.

Shuruudaha kale ee loo diray madaxweynaha Faransiisku in uu  u soo bandhigo dalka Iiraan waxaa ka mid ahaa in Iraan aanay ka horiman wadahadallada nabadda bariga dhexe ee Maraykanku qorshaynayo iyo in aanay khatar ku noqon ammaanka iyo isu socodka badaha ee gacanka. Iyo in ay sida oo kale ogolaato in illaa sannadka 2025 ka ay sii waddo wadahadallada barnaamijkeeda Nukliyeerka, sannadkaas oo ah waqtiga hore loogu xaddiday hawlaha kor-joogtaynta iyo la socoshada dhaqdhaqaaqyada Iiraan ee dhinaca Nukliyeerka.

Xildhibaan Chris Murphy oo xisbiga dimuqraaddiga ugu jira golaha odayaasha Maryakanka ayaa sheegay in madaxweyne Trump uu go’aansado in uu ogolaado in uu Iiraan siiyo lacagtaas damaanadda lagu sheegay, iyaduna ay ogolaato in ay dib ugu soo noqoto heshiiskii Nukliyeerka ee Iiraan iyo dalalka waaweyni ay galeen, oo uu isagu ka baxay muddo yar kaddib markii uu xilka qabtay, isaga oo ku sheegay heshiiskii abid ugu xumaa ee uu Maraykanku galo.

Heshiiskan uu dillaalka ka ahaa madaxweynaha Faransiiska ayaa sida oo kale Iiraan u sheegayey in dalalka Yurub ay wacad ku mari doonaan in ay Iiraan u damaanad qaadaan marin ay ku sii wadan karto iibka shidaalkeeda ee imika cunaqabatayntu saarantahay.

Dalka Iiraan ayaa dhowaan diiday soo jeedin si hoose uga timi Maraykanka oo ahayd in madaxweyneyaasha Iiraan iyo Maraykanku ay kulmaan inta uu socdo kulanka guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo uu madaxweynaha Iiraanna ka qaybgelayo. Laakiin Iiraan ayaa sheegtay in aanu madaxweynaheedu kulankaas diyaar u ahayn illaa uu Maraykanku qaado cunaqabataynta uu saaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here