Xildhibaan Dheeg Oo Raaligelin Siiyay Wasiirka Caafimaadka

0
788

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasin ( Dheeg ), ayaa raaligalin siiyay wasiirka caafimaadka Cumar Cali Cabdilaahi  oo hore ugu eedeeyay inuu sameeyay musuqmaasuq

Xildhibaanka ayaa sheegay inuu u jeeday in wasiiradii wasaarada caafimaadka soo maray ay dhisteen guryo isla markaasna aanu u jeedin wasiirka haatan iyo kii ka horeeyaba. waxaanu isaga oo warbaahinta la hadlaayay uu yidhi ” Wasiir gooni ah lagama hadlayn ee wasaarada caafimaadka ayaa laga hadlaayay, waxaanan ka soo bilaabay  iyada oo meeshu madhan oo aan qalin lahayn oo aan daawo lahayn oo aan waxba lahayn oo aan kursi lahayn aynu nimi inuu dhakhtarku wali halkii taagan yahay oo uu leeyahay soo iibso cudbigii,golafiskii,balastarkii, suuxisadii halka laga soo iibsanayaana ay tahay dhakhtarka dawlada gudaheeda, wasaaradiina ay qaadatay cashuur dhaqaalaha dadka laga soo jaray oo wasaarada caafimaadku ay leedahay miisaaniyad,markaas madaxweynaha waxaan ka codsaday daawada halkaas ka buuxda uu umadda bilaash uga dhigo oo qofku dareemo in aanu dhakhtar gaar loo leeyahay joogin ee uu kii dawlada joogo.”                                                                                                                                                     Xildhibaan Dheeg oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Midhkaan canaanta ku leeyahay ee inankana aan xaalka ku siinayaa waxa weeye wasiirka ayaan idhi, wasiirada caafimaadka ee intaas soo taxnaa aqalo ayay dhisanayeen ayaan lahaa, kan shan bilood ayuu joogay, waxaan ogaaday inuu kii hore xanuunsaday, waxaanan kudaray warkayga ilaa intii Muuse Biixi fuulay meesha cid maan dhigin dhakhtarkaas manaan tagin, laakiin Siilaanyo maalmihii uu sii tagaayay ayaa iigu danbaysay.                      Inankani xafiisyadii dawlada wali muu kala baran oo shan bilood ayuu joogaaba markii imika lay sheegay shuqulna hadalkayga kumuu lahayn, macaa waxaan ku lahayn kan xanuunsaday ee ka horeeyay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here