Trump Mushaharkiisa Waa Uu Ku Tabarucayaa: Yaa Nasiib U Heli Doona 400 Oo Kun Oo Doolar Oo Sannad Kasta Uu Bixinayo

0
584

Washington (Geeska)- Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu ku tabaruci doono mushaharkiisa madaxweynenimo oo sannadkii ah 400 oo kun oo doolar, isaga oo sheegay in lacagtaas sannad ka dhammaadkiisa u qaybin doono hay’ado samofal.

Trump waxa kale oo uu sheegay in warbaahinta oo aanu xidhiidhkoodu fiicnayn uu ka codsanayo in ay caawiso soo xulidda dhinacyada kala duwan ee ka faa’idaysan doona mushaharkan la qaybinayo.

Afhayeenka madaxweyne Trump oo lagu magacaabo Sean Spicer ayaa oo Isniintii dorraad ee 13ka Maarij 2017-ka warbaahinta la hadlay ayaa yidhi, “Madaxweynuhu waxa uu rabaa in dabayaaqada sannadkan uu ku tabaruco mushaharkiisa… Waa wacadkii uu hore shacabka Maraykan ka hor qaaday” Spicers oo hadalkiisa u jeediyey dhinaca warbaahinta hor joogtay waxa uu intaas ku daray, “Idinkana waxa uu idinka codsanayaa in aad caawisaan xulashada dhinacyada ka faa’idaysan doona tabarucan”

Guriga Cad ee uu ka arrimiyo Trump oo maalin kasta warbaahinta la hadla ayaa aan looga baran in uu ereyadaas laddifan u adeegsado warbaahinta oo xidhiidhka uu madaxweynuhu la leeyahay aad u liito, marar badanna uu dhalleecaymo kala duwan u jeediyo.

Spicers oo codkiisa laga dareemayo jees-jees ayaa warbaahinta oo mar kasta naqdida maamulka uu ka tirsan yahay waxa uu sheegay in warbaahinta oo soo doorta dadka ka faa’idaysanaya tabarucu ay tahay sida ugu fiican ee lagaga nabadgeli karo dhalleecayntooda, “Sida keliya ee dabagal looga fogaan karaa waa in warbaahinta loo daayo in ay soo doorto cidda la siinayo tabarucaas” hadalladan ayaa daba socda warbixinno ay hore warbaahintu uga qortay tabarucaad ay hore u bixiyeen Trump iyo shirkadda uu qoyskiisu leeyahay.

Maalqabeenkan hore ee hadda Madaxweynaha Maraykan ah ayaa marar badan oo xilligii uu ol’olaha doorashada ku jiray ah waxa uu sheegtay in aanu doonayn in uu mushahar ka qaato dawladda, marka laga reebo Hal doolar oo uu iskaga ilaalinayo sharciga Maraykanka ee dhigaya in qofku uu mushahar ka qaato shaqada uu qabto, ugu yaraan hal doolar.

Harbert Hoover iyo John Kennedy oo hore madaxweyneyaal uga soo noqday Maraykanka ayaa sidan oo kale mushaharkooda uga tanaasulay waxa aanay u qaybin jireen hay’ado samofalka ka shaqeeya.