Malaysia Oo Dawo Qudhunka Ka Ilaalinaysa Marisay Maydka Ninkii Ay Walaalaha Ahaayeen Hoggaamiyaha Kuuriya

0
572

Kuala Lumpur (Geeska)- Raysalwasaare ku xigeenka dalka Malaysiya Axmed Zaahid Xumaydi ayaa salaasadii dorraad ee 14ka Maarij, warfidiyeenka u sheegay in la dhamaystiray tallaabooyin la doonayo in lagu ilaaliyo badqabka hilbaha maydka nink ay walaalaha ahaayeen hoggaamiyaha woqooyiga Kuuriya Kim Jong-Nam, taas oo ah dadaal la doonayo in lagaga ilaaliyo in uu is-beddelo ama qudhmo.

Si qarsoodi ah ayaa cawaysnimadii Axadda maydka looga soo saaray tallaagadda si loogu bilaabo tallaabooyinka loo marayo baqdabka jidheed ee maydka, laakiin waxaa markiiba dhaqdhaqaaqa ku baraarugay tobannaan warfidiyeen ah oo dul hoganaya goobtan si ay u tebiyaan dhaq-dhaqaaq kasta oo dhaca.

Muddo bil ka badan ayaa ka soo wareegtay markii la dilay Kim oo ahayd 13kii bishii Labaad, iyaga oo booliiska Malaysia sheegay in laba dumar ah ay wejiga Kim ku masaxeen Gaasta neerfayaasha disha ee VX oo ah sun aad u xoog badan, xilli uu ku sugnaa gegida diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur.

Kim oo ay xagga aabo ka walaalo ahaayeen hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ayaa 20 daqiiqo ka dib falkan u geeriyooday isaga oo aan weli la gaadhsiin cisbitaalka loola cararay, tan iyo maalintaas uu qudhbaxayna waxa uu maydkiisu yaallay qolka maydka ee mid ka mid ah cisbitaallada Kuala Lumpur.  Booliiska Malaysia ayaa sheegay in aan maydkan loo dhiibi doonin cid aan ahayn qaraabada darajada koowaad ah ee maydka (Waalidkii, Walaalihii, Adeerradii, Abtiyadii iwm). Waxa se’ uu booliisku caddeeyey in aanay cid qoyska maydka ahi illaa hadda soo codsan in maydka lagu wareejiyo.

Dilkan iyo tallaabo ay booliiska dalka Malaysiya baadhitaan su’aalo ah kula yeesheen dad u dhashay Kuuriyada woqooyi oo ku sugnaa safaaradda dalkooda gudaheeda ayaa xiisad diblumaasiyadeed ka dhex abuurtay labada dal oo hore u lahaan jiray xidhiidh aad u xoog badan.

Kuuriyada Woqooyi ayaa saddex diblumaasi oo u dhashay Malaysiya iyo lix qof oo ka mid ah qoysaskoodii ka mamnuucday in ay ka baxaan dalkeeda, taas oo ay Malaysiya u aragtay in dadkaas madax furasho u haysato Kuuriya, waxa aanay qaadday tallaabooyin ay kaga jawaabayso.

Mudane Zaahid waxa uu sheegay in labada dal uu illaa hadda u socdo wada xaajood la xidhiidha arrintan, laakiin tafaasiil intaas ka badan ma’ uu bixin. Isaga oo sida oo kalana caddeeyey in Malaysiya ay dalkeeda ka mustaafurin doonto 50 shaqaale ah oo u dhashay dalka Kuuriyada woqooyi, kuwaas oo ay dhammaatya muddadii sharciga joogitaankooda Malaysiya, waxa aanu intaas ku daray in dadkani ay ka mid yihiin 315 ruux oo u dhashay Kuuriyada Woqooyi oo weli iyagu ku sugnaan doona dalka Malaysiya maadaama oo aanu sharciga joogitaankoodu dhicin.