Daawashada Sawirrada Xusuusta Fiican Ahi Waxa Ay Wanaajisaa Hawlgudashada Maskaxda Dadka

0
1035

London (Geeska)- Cilmibaadhis ay sameeyeen xeeldheereyaal u dhashay dalka Ingiriiska ayaa daahfurtay in dib u eegista xusuusihii hore ee fiicnaa, iyada oo maskaxda dib loogu soo celinayo waqtiyadii fiicnaa ee nolosha la soo maray ay tahay arrin muhiim u ah caafimaadka maskaxeed ee aadamaha.

Cilmibaadhistan oo ay samaysay jaamacadda Surrey ee koonfurta London, natiijadeedana lagu faafiyey wargeyska The Telegraph ayaa lagu sheegay in xusuusaha hore ay tamar iyo firfircooni togan siiso maskaxda bani’aadamka.

Cilmibaadhistu waxa ay daahfurtay in dib u xasuusashada xusuusaha hore, tusaale ahaan qofka oo maskaxdiisu dib u soo celiso xusuusaha goobihii uu tegi jiray, sida socdaalladii dalxiiska ahaa ee uu ku tegey meelo uu xiisaynayo, ama in uu qofku dib ugu noqdo meelaha taariikhdiisii hore muhiimka u ahaa, in ay maskaxda ku keento isbedello caadifadeed oo waaweyn, si muuqatana u wanaajiso caafimaadka maskaxda iyo ka nafsiga ah ee qofka.

Arrintani waxa ay aad u caawinaysaa dadka waayeelka ah oo ay caafimaadkooda maskaxeed iyo ka nafsiga ahba muhiim u tahay in aanay ka tegin xusuusahooda hore, tusaale ahaan dib u daawashada sawirradii iyo muuqaalladi dhalinyaronimada iyo xitaa carruurnimadii, iyo tegeista goobihii uu yaraantiisii ku noolaa, ama taariikhdiisa ku xusan ee uu xidhiidhada farxadda leh la soo maray.