Toddobaad Kasta Maalin Ayuu Ka Tagaa Xilka Raysalwasaare Si Uu Dhakhtarnimo Dadka Ugu Adeego

0
680

Raysalwasaaraha dalka Ireland ayaa Lep Varadkar ayaa hay’adda qarankiisa u qaabilsan diiwaanka dhakhaatiirta waxa uu u gudbiyey shahaadooyinkiisa iyo dhukumantiyada aqoonsi ee dhakhtarnimadiisa, si ay mar kale ugu daraan diiwaanka dhakhaatiirta dalka. Tallaabada raysalwasaare Varadkar ayaa timi kaddib markii wasiirka caafimaadka ee dalku uu dhowaan bilaabay ol’ole lagu diiwaangelinayo mihnadlayaasha caafimaadka, taas oo qayb ka ah dadaalka lagula dagaalamayo Fayraska Koroona.

Dhakhtarkan ku dhex cusub mihnadlayaasha caafimaadka, ee isla markaana ah raysalwasaaraha dalku, waxa uu dhakhtarnimadiisa ku shaqayn doonaa toddobaad kasta hal maalin, oo uu ka hawlgeli doono cisbitaallada lagula tacaalayo xaaladaha Fayraska cusub. Sida uu faafiyey wargeyska Irish Times isniintii 6-Abriil.

Lep Varadkar oo bartay cilmiga caafimaadku hore waxa uu dhakhtarnimo ugu shaqeeyey muddo 7 sano ah, oo uu ka hawlgeli jiray qaar ka mid ah cisbitaallada magaalada Dublin ee caasimadda dalkiisa. Laakiin sannadkii 2007 ayaa uu u wareegay dhinaca siyaasadda, taas oo sababtay in sida uu sharciga dalku dhigayo, in sannadkii 2013 kii magaciisa laga tirtiro diiwaanka dhakhaatiirta ee dalka.

Hawlaha caafimaad ee uu raysalwasaaruhu qaban doono maalmaha uu shaqada ku qoranyahay waxaa ka mid ah in uu ka jawaabo adeegyada taleefanka ee lagu qiimaynayo adeegyada caafimaad ee ay u baahan yihiin dadka buka ee deegaanka uu ka hawlgalayo.

Xanuunka Covid-19 oo u muuqda in uu illaa imika ka awood batay kana baaxad weynaaday karaanka dawladaha iyo mihnadlayaasha caafimaadka adduunka intii diyaarka ahayd, ayaa sababay in dad badan oo caafimaadka bartay laakiin shaqooyin kale u baydhay ay dib ugu noqdaan mihnaddaas. Waxaa ka mid ah filim soosaareyaal caan ah, xildhibaanno baarlamaan, ciyaartooy iyo garsooreyaal ciyaareed, siyaasiyiin reer Yurub u badan oo xilal dawladeed iyo xisbi siyaasadeedba haya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here