Awoodda Xakamaynta Nafta: Soo Koobidda Buugga Dr. Ibraahim Fiqi (Q:7aad)

0
558

Waa qayb ka leo o ka mid ah taxanaha soo koobidda buugga Awoodda xakamaynta nafta’ee uu qoray Ibraahiim Fiqi (AHUN).

Maadaama oo in aad dhinaca fiican wax ka eegtaa ay kaa caawinayso farxad inaad ku noolaato iyo in aad guul ka gaadho nolsha waxa uu qoraa Ibraahiim Fiqi buuggiisan ‘Awoodda xakamaynta nafta’ kuugu hayaa qorshe haddii aad dhaqangeliso arrintaas kuu fududaynaya:

  1. Subaxnimada la soo toos adiga oo farxad iyo raynrayn buuxa. Iska saar fikir kasta oo taban, oo maskaxda ka buuxi fikir kasta oo togan adiga oo weliba xoogga saaraya in ay maskaxdu ku mashquusho rogrogista aragtiyahaas togan.
  2. Wejigaaga mar kasta ku qurxi dhoolla caddayn. Xitaa haddii aanad diyaar u ahayn iska yeelyeel inaad dhoolla caddaynayso.
  3. Mar kasta salaanta ka bilaaba ahoow.
  4. Si fiican u dhegeyso dadka kula hadlaya.
  5. Dadka magacyadooda ugu yeedh, kuna halqabso marka aad la hadlayso.
  6. Qof kasta ula macaamil sida in uu yahay qofka adduunka ugu wanaagsan. (Cidna ha yasin / xaqirin)
  7. Ahoow ka mar kasta bilaaba ammaanta iyo wanaag-ka-sheegidda qofka.
  8. Xusuus-qor u samayso taariikhaha ay ku beegan yihiin munaasabadaha muhiimka u ah, dadka adiga muhiimka kuu ah, kuna dadaal in aad kala qaybgasho farxadda munaasabadahaas iyo hambalyadeeda.
  9. Qofka aad jeceshay, ku dadaal in aad kedis kaga dhigto waxyaabo uu jecelyahay ama aad ogtahay in qalbigiisa ay farxad ku abuurayaan.
  10. Ku dadaal in qofka aad jeceshay ku salaanto laabsaar iyo habsiin.

Waxaa xusid mudan in habsiinta iyo u dhowaanshiyuhu ay ku xidhan yihiin hadba duruufaha taagan ee caafimaad iyo dhaqannada bulshada iyo diinta.

  1. Maalin kasta hal qof ka qosli ama dhoolla caddayn wejigiisa ku abuur.
  2. Deeqsinimada ogoow, oo wax bixi.
  3. Naftaada cafi, oo ha u hayn qaladaadka ay gasho, dadkana cafi oo qaladka ay galaan ha ka dhigin mid xidhiidhkiinna oo dhan ku dhereran.
  4. Weligaa ku dadaal isticmaalka laba erey, ‘Fadlan, iyo mahadsanid”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here