Toddoba Sirood Oo Noloshaada Guul U Horseedi Kara

0
1348

Picture2

Washington (Geeska)- Qof kasta waxaa ku beeran hammi ah in uu guul gaadho, ruuxa bulshadu ku qiimayso sarraynta iyo karaamaduna waa kan laga arko guul uu ka gaadhay hawl uu u gacan qaaday ama si guud nolosha. Cilmibaadhis lagu sameeyey furayaasha guusha loo kaashan karo ayaa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa u soo turjumay qodobbada ugu muhiimsan guushaas.

1. himilo cad: Sirta koowaad ee guusha noloshu waa in uu qofku dhigto ujeedooyin cadcad iyo hawlo qodobbaydsan oo uu doonayo in uu gaadho. Waxaa iyaduna muhiim ah in qofku ujeedooyinkiisa uu qoranayo u qaybiyo kuwo himilada dhow ah iyo himilo fog oo uu hiigsanayo mar dambe in uu gaadho. Waa in uu qoro jidka uu u marayo himilada dhow oo u kala horreysa sida ay ugu kala muhiimsan yihiin, kadibna uu qoro jidka uu uga wareegayo haddii jidkaas hore xidhmo, waxaa iyaduna marar badan muhiim ah in hawsha uu doonayo in uu ku guulaystaa  ay lahaato waqti xaddidan oo uu qorshaysto in uu ku gaadho, si haddii waqtigaas uu ku gaadhi waayo u dib uga fikiro waxa qaldan iyo sida uu ku sixi karo.

2. Go’aan qaadasho:  Waa in go’aamada aad qaadanaysaa ay noqdaan kuwo fulintoodu kaa go’antay, haddii bilowga hore aad shaki badan ka qabto fulitaanka go’aankan, ha qaadan go’aankaas ee dib uga fikir.

3. Awoodda saddexan: Jaran-jarrada guushu waxa ay ka bilaabataa kaabadda koowaad oo go’aan qaadasho, laakiin ha illaabin in go’aan aad ku gaadho hawlqabashadeeda uu ka horreeyo saddex arrimood oo ah, in aad marka koowaad garato awooddaada, dhaqaale, jidheed, aqooneed iyo karti kasta oo hawshani u baahan tahay in aad leedahay. Haddii aad taa hubto waxaa iyaduna muhiim ah in aad garato waxa aad ku wanaagsan tahay, tusaale ahaan haddii aad ogtahay in aad saxafi ku habboon tahay oo hiwaayaddii hawshan iyo aqoonteedii aad buuxin karto ha isku hawlin in aad noqoto taliye milateri si aanay ugu fashilmin gaadhisteeda ama ugu yaraan waqti badani kaaga lumin, arrinta saddexaad waa in aad yeelato hal-adaygii go’aanka aad qaadanayso iyo samirkii aad ku sugi lahayd natiijadiisa, haddii aad saddexdaas hayso waxa aad qaadan kartaa go’aan adag oo guushaada fure u noqda.

Awoodda saddexan ee qofka looga baahan yahay in uu ku dhaqmaa waa;

– Oofin: Oo looga jeedo in qofku marka koowaad garto yoolkiisa iyo halka uu beegsanayo iyo weliba jidka uu u marayo.

– Hal-adayg: Oo ah in qofku uu ka soo gudbo marxaladdi fikirka oo uu si ficil ah u gudo galo hawsha uu doonayo ka midho dhalinteeda.

– Dul-qaad: Waa habka keliya ee uu qofku kaga gudbi karo caqabadaha ka hor yimaadda, kuna sii adkaysan karo dhibta ka sokaysa gaadhista hadafkiisa.

4. Curin: Arrimaha waayo-aragnimada lagu ogaaday waxaa ka mid ah in curintu ay ka mid tahay furayaasha ugu muhiimsan ee guusha noloshaada aad ka gaadhayso. Curintu waa qofka oo mar kasta maskaxdiisa miira si ay u keento afkaar iyo qorshayaal cusub. Waa qofka oo hal-abuur yeesha mar kasta oo uu hawl ka faraxashana ka fikira hawsha kale ee iyadana ay tahay in uu guul ka gaadho.

5. Qaladaadka oo wax laga barto: Qaladaadku ma’aha dhammaadka nolosha, mana ah dhammaadka rajada guusha, balse keliya khaladku waa dugsi ay qasab tahay in qof kastaa maro oo loo baahan yahay in wax laga barto lagana faa’idaysto. Qaladaadka aad gelayso inta aad ku gudo jirto dadaalka aad himiladaada ku gaadhayso waa in aad u qaadataa waayo-aragnimo iyo dersi aad ku cibro qaadanayso.

Iska jir in qalad aad mar gashay uu kugu noqdo boog abid ku daba socota, si joogto ahna aad u xasuusato, waayo taasi waxa ay kaa hor istaagaysaa in aad dadaal dambe gasho oo cabsi ayaad ka qabtaa in aad haddana qaldanto. Qaladka ka qaado wixii duruus ku jira, sida in aad fahamto sida uu ku yimi iyo sida ay tahay in aad mar labaad isaga ilaaliso, intaa waxa ka soo hadha waa qaladka in aad dhabarkaaga dambe ka tuurto si aanad dib ugu xasuusanba.

6. Ka faa’idaysiga waqtiga iyo nidaamintiisa: Arrimaha muhiimka u ah guusha nolosha waxaa ka mid ah in qofku uu yaqaanno sida ugu fiican ee uu waqtigiisa ugaga faa’idayn karo gaadhista yoolkiisa nolosha. Waa in aad waqtiga u aqoonsato in uu yahay hanti qaaliya oo Alle hibo kuu siiyey, sida saxda ahi waa in aad ka dhigato raasamaal aad ka faa’idaysato, sababna u noqda guul aad gaadho, haddii kale waa seef laba-af-leh oo adiga ayaa uu ku jari.

7. Rajo-san: Rajo samaantu waxa ay ka mid tahay tilmaamaha muhiimka ah ee lagu garto ruuxa guusha gaadha. In qofku khayr rajaystaa waxa ay qalbigiisa ku beertaa rajo fiican iyo kalsooni uu naftiisa u qaado, waxa aanay ku dhiirri gelisaa firfircoonida iyo shaqada, arrimahaasina dhammaantood lagama maarmaan ayaa ay u yihiin guusha uu ruuxu doonayo in uu noloshiisa ka gaadho.