Khuurada Oo La Ogaaday In Ay Leedahay Halis Caafimaad

0
550

Picture1

Washington (Geeska)- Urur ka jira dalka Maraykanka oo lagu magacaabo ururka wadaniga ah ee Sleep (Hurdada) ayaa ka digay in khuuradu ay tilmaami karto in qofku uu qabo cudur neef qabatow ah oo xilliga hurda ku kaca, taas oo haddii ay jirto halis caafimaad ku ah qofka. Warbixin ay haayaddani soo saartay ayaa iftiiminaysa in nooc khuurada ka mid ahi ay ku timaaddo daalka, wax caalamad ahna aanay u ahayn caafimaad darro,  taas oo aan iyadu wax dhibaato ah lahayn, laakiin haddana marar badan ay khuuradu calaamad u tahay caafimaad darro.

Khubaradu waxa ay sheegeen in khuurada badankeedua ay sabab u tahay neefta oo qofka ilbidhiqsiyo ku joogsata kadibna caadi ku soo noqota, taas oo keenta in neefta oxygen ta ee dhiigga ku jirta oo illaa xad hoos u dhacdaa ay tahay sabab keeni karta khuuro. Cilmibaadhistan ayaa iftiimisay in khuuradu ay keento wadne xanuun iyo xusuusta qofka oo daciifta.

Dhanka kale daraasad lagu sameeyey xarun xaafimaad oo ka tirsan jaamacadda Maryland ee dalka Maraykanka ayaa lagu ogaaday in dadka khuuriyaa inta badan noqdaan kuwo walbahaarka iyo diiqaddu ku badan yihiin.

Ugu dambayntiina khubaradu waxa ay sheegeen in khuuradu ay keento hurdo xumo, waxa aanay dadka khuuriya kula taliyeen in ay miisaanka dhimaan, in ay ka dheeraadaan sigaar nuugista, iyo isticmaalka maandooriyaha oo ay sheegeen in uu buro ama cad saayid ah ku sameeyaan marinnada neeftu marto, taasina khuuro keento ama sii kordhiso. Waxa kale oo ay khubaradu ku taliyeen in qofka khuuriya haddii uu si aad ah u khuurinayo ay fiican tahay in qofka ka ag dhowi uu toosiyo, waayo waxa uu khatar ugu jiraa in neeftu qabato taas oo xitaa dhimasho keeni karta.