Toddoba Ka Mid Ah Qaladaadka Ay Raggu Sameeyaan Ee Dhaawaca Khatarta Ah Gaadhsiiya Caafimaadkooda

0
1012

 

Raggu waxa ay sameeyaan qaladaad khatar ku ah caafimaadkooda oo ay ka mid tahay in aanay waqti u goynin ama go’aan ku dhiirasho oo dhab ah ku qaabilin waxyaabaha ay ogyihiin in uu caafimaadkooda wax ka tarayo. Tusaale ahaan ninku isaga oo doonaya in uu miisaanka iska rido, ayaa haddana aanu joojinayn cuntooyinka uu ogyahay in ay miisaanka kordhiyaan.

Sida ay sheegayso warbixin arrintan la xidhiidha oo lagu daabacay shabakadda ‘WebMD’ qaladaadka kale ee ay raggu sameeyaan waxaa ka mid ah in ay ka warwareegaan u tegista dhakhtarka, oo mar kasta oo ay tahay in ay tagaan, ay la yimaaddaan cudur daarro kala duwan oo ay kaga joogayaan.

Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah qaladaadka ay raggu ku kacaan ee ay warbixintu sheegtay in ay khatar ku tahay caafimaadkooda.

Kama feejignaadaan wadne xanuunka

Raggu inta badan kama fikiraan muhiimadda caafimaad ee wadnahooda. Cilmibaadhis dhowaan la sameeyey ayaa daahfurtay in ninku marka uu da’ yaryahay ay tahay marka ay ugu badan tahay khatarta ah in uu wadne xanuun ku dhaco.

Nin kasta waxaa la gudboon in aanu ku kadsoomin da’ yaraanta, si joogto ahna uu ula socdo caafimaadka wadnihiisa.

Waxa ay dhayalsadaan khatarta caafimaad ee khuuradu leedahay

Khuurada oo inta badan ragga ku badani waxa ay keentaa Khalkhal ku dhaca habsami u neefsiga qofka, waxaana dhacda in inta uu hurdo ay neeftu ka kala googo’do, oo ilbidhiqsiyo yar inta ay maqnaato ay haddana u furanto.

Cilmibaadhisaha la sameeyey waxa ay muujinayaan in ragga khuuriyaa ay kala badh qabaan mushkilad aanay isku ogeyn ama dan ka gelin oo ah in neeftu habeenkii ka googo’do. Waxa kale oo ay khuuradu xidhiidh la leedahay xanuunnada wadnaha ku dhaca iyo dhiigkarka.

Ma joogteeyaan isticmaalka kiriimada maqaarka ka ilaaliya fallaadhaha qorraxda

Ragga qaar ayaa caadaysta marka ay tegeyaan bannaanada meelaha qorraxda leh iyo xeebaha in ay marsadaan kiriimada qorraxda jidhka ka ilaaliya. Xeeldheereyaasha caafimaadku waxa ay sheegeen in ay muhiim tahay in caafimaad ahaan ay fiican tahay in raggu ay joogteeyaan isticmaalka kiriimada maqaarka ka ilaaliya fallaadhaha qorraxda. Waxa ay si gaar ah ugu talinayaan kiriimada ay ku jirto maadadda SPF 30 ama mid ka sii sarraysa, si ay uga ilaaliso kansarka maqaarka ku dhaca.

Dan kama galaan waxyaabaha ku soo kordha

Raggu inta badan kama fikiraan xaaladaha hadba ku soo kordhay. Tusaale ahaan ma dhaadaan tirada inta jeer ee ay maalintii suuliga kaadi u tegeyaan. Si kasta oo ay isugu arkaan kaadidooda oo inta dabiiciga ahayd ka kordhay ama ka yaraatay kama fikiraan in ay dhakhtar la tashadaan.

Tusaale ahaan haddii uu ninku maalintii 8 jeer ama ka badan kaadi u tago, ama habeenkii laba jeer wax ka badan suuliga ugu kaco kaadi, waxa ay u dhowdahay in ay jirto xaalad caafimaad, oo ay ka mid tahay qanjidhka ragga ee ‘Prostate’ ka oo intii dabiiciga ahayd ka weynaaday ama ay kaadi haystu qabto mid ka mid ah xanuunnada loo yaqaanno (OAB) oo keena in kaadi haystu ay qabato shaqo ka badan teeda dabiiciga ah. waxa kale oo ay kaadi badnaantu calaamad u noqon kartaa xaalado kansar.

Nin kasta oo isku arka in kaadidiisu ay intii dabiiciga u ahayd ka badatay, waxaa waajib ku ah in uu dhaqso dhakhtar ugu tago.

Is baadhista caafimaad oo aanay joogto ka dhigan

Daraasado kala duwan ayaa lagu ogaaday in dumarku ay ragga kaga badan yihiin u tegista dhakhtarka guud iyo joogtaynta booqashada dhakhaatiirta takhasuska ah, gaar ahaan dhakhtarka ilkaha. Taas oo caawisa in caafimaadka ilkaha iyo cirridka lala socdo iyo in afkooda laga ogaado xaalado badan oo caafimaad oo calaamadahooda laga arko afka.

Raggu inta badan muhiimad ma siiyaan booqashada dhakhtarka ilkaha, haddii aanay gaadhin xaalad culus oo ay xanuunkeeda dareemaan.

Xanuunnada laga sahamin karo caafimaadka ilkaha waxaa ka mid ah macaanka oo ilkaha dhaawaca, xanuunnada midhicirada, caabuqa uur ku jirta iyo xitaa kansarka dhiigga oo calaamadahooda laga arko cirridka iyo afka gudihiisa.

Waxa ay aad u cunaan hilibka iyo baradhada

Raggu aad uguma dadaalaan cunista khudrad ku filan. Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in cunista khudradda ee maalinlaha ahi ay u fiican tahay caafmaadka wadnaha. Sida oo kael in hilibka iyo baradhada shiilan la iska yareeyaa waxa ay u fiican tahay ka hortagga xanuunnada maskaxda ku dhaca, kansarka iyo dhibaatooyinka kale eek u dhaca habdhiska dheefshiidka. Khudradda oo jidhka ku. Yaraataa waxa ay sababtaa in sonkorta dhiiggu ay badato.

Sahamin marar kala duwan la sameeyey ayaa lagu ogaaday in ragga ay ku yartahay isticmaalka cuntooyunka khudradda leh, halka ay ku badan tahay cuntada hilibka ah iyo baradhada shiilani.

Caadooyin caafimaadka u daran

Ragga waxaa ku badan caadooyinka caafimaadka u daran oo ay ka mid yihiin, sigaar nuugista, gaadiidka oo xawaare aad u sarreeya lagu wado iyo bootinta. Caadooyinkani dhammaantood waxa ay khatar ku yihiin caafimaadka, ama waxa ay horseedaan geeri.

Waxa ay xeeldheereyaasha caafimaadku sheegeen in ay muhiim tahay in ninku uu ka fikiro khatarta caafimaad ee ka dhalan karta ficillada iyo habdhaqannada ay caadaysteen. Si ay u uga hortagaan khatartaha caafimaad-darro ee ku iman kara, una hubiyaan badqabkooda jidheed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here