Toban Xogood Oo Ku Saabsan Hoggaamiyaha Sirta Badan Ee Kuuriyada Woqooyi Kim Jung-Un

0
641

Pyongyang (Geeska)- Dalka woqooyiga Kuuriya, waxa uu dhacaa bariga qaaraadda Eeshiya, gaar ahaan dhinaca woqooyi ee Jasiirad u-eegta Kuuriya, waxa aanay dhinaca woqooyi xuduud kala leedahay dalka ay colaadda weyni kala aafaysay balse ay isku dadka yihiin ee Kuuriyada Koonfureed, Shiinaha oo dhinaca woqooyi ka xiga, iyo badda Japan oo dhinaca bari kaga soo xidhan, dhinaca galbeedna Gacanka Kuuriya iyo badda Yellow Sea loo yaqaanno.

Kuuriya waa dolwad nidaamkeedu xisbi keliya ku dhisan yahay, oo ku dhaqanta hanti-wadaag, waxa aanu madaxweynuhu inta badan ku yimaaddaa qaab dhaxal-tooyo oo dastuurka la waafajiyo, kadib marka ay hoggaamiyaha oo ah qoyska aas-aasihii dalka soo xushaan gole sare oo milateri oo dalka si dadban uga taliyaa. Imika waxaa dalka Kuuriyada woqooyi ka taliya Kim Jung-Un oo uu dhalay madaxweynihii hore, ee dalkaas oo qudhiisuna aabihii ka sii dhaxlay kursiga.

Kim Jung-Un waxa uu dhashay sannadkii 1983kii , waxa aanu talada qabtay bishii sannadkii 2011 ka, xilligaas oo lagu tilmaamay in uu yahay madaxweynihii ugu da’da yaraa ee dal hoggaamiya. Haddaba guud ahaanba nidaamka maamul ee dalka Kuuriya ayaa ah mid sir ah oo xogta dowladda iyo masuuliyiinta dalka oo la faafiyaa ay tahay dembi Qaran, sidaa awgeed hoggaamiye Kim Jung-Un xog aad u yar ayaa laga hayaa dhaqankiisa iyo dabeecadihiisa gaarka ah, qormadanna waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa dhowr dabeecadood iyo xogo ku aaddan shakhsiyadda hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo ay warbaahinta iyo dadka xog-ogaalka u ahi ka sheegeen:

– Cidi ma taqaanno taariikhda dhabta ah ee uu dhashay oo lagu sheegay 1983kii iyo 1984kii labadaba, laakiin mid kasta oo uu dhashayba waxa loo aqoonsan yahay in uu yahay madaxweynaha dowladeed ee dunida oo dhan ugu da’da yar.

– Waxbarashadiisa waxa uu ku soo qaatay dugsiga Caalamiga ah ee Bern oo ku yaalla dalka Switzerland, laakiin magac aan kisia ahayn ayaa uu ku dhigan jiray, dadka xog-ogaalka u ahina waxa ay sheegeen in mar uu mushkilad la kulmay kadib markii xilligii imtixaankii dhammaadka lagu qabtay isaga oo sita majallad loo fahmay in uu qis u sitay.

– Waxa uu jecel yahay kubadda kolayga, si aad u adag ayaanu ula ciyaari jiray saaxiibbadiisii dugsiga, marar badan ayaanu macallinka fasalka ku jiraa ciqaabay kadib markii lagu qabtay isaga oo xiisadda dhexdeeda ku mashquulsan sawirka xiddigii kubadda kolayga Maraykanka Michael Jordan.

– Markii ay hooyadii dhimatay, ayaa uu miisaankiisu si aad u weyn u kordhay illaa uu gaadhay 90kg, waxaana la sheegaa in uu hadda qabo cudurrada ay ka mid yihiin dhiig karka, iyo macaanku.

– Warbaahinta isaga taageerta ee dalkiisu waxa ay caan ku yihiin in ay soo qaataan sawirka guriga cad ee Maraykanka looga taliyo oo burbursan, iyo sawirrada magaalada New York  iyo madaxweyne Obama oo gubanaya. La soco…