Askari Ciidanka Qaranka Ka Tirsan Oo Shalay Lagu Dilay Magaalada Saax-dheer

0
518

Picture6Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste askari ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland, gaar ahaan guutada ku sugan magaalada Saax-dheer ee gobalka Sool, ayaa shalay gabal dhicii lagu dilay duleedka magaaladaas.

Askariga  oo lagu magacaabo Marxuum Cabdi, ayaa adeeg u doontay magaalada Saax-dheer isagoo ka tagay xerada ciidanka, markii uu soo noqday ayay koox maleeshiyaad ah oo hubaysani dhexda u galeen, waxaanay la beegsadeen rasaas tiro badan oo uu u geeriyooday. Marxuumka ayaa waxa markiiba u soo gurmaday ciidankii xerada joogay oo maydkiisa qaaday. Kooxdii falka gaysatay ayaa islamarkiiba baxsaday. Falkan ayaa ah kii u horeeyay ee ay la kulmaan ciidanka qaranka ee ku sugan Saax-dheer oo ay hore uga baacsadeen Cali Khaliif Galaydh iyo maleeshiyaadkiisa. Alle haw naxariisto askariga ciidanka qaranka ka tirsan ee geeriyooday.