Toban Qof Oo Lagu Arkay Awood Aadamaha Caqligiisa Mucjiso Ku Noqotay (Qaybta: 3aad)

0
946

Picture8Hargeysa (Geeska)- Qaybtiii Saddexaad ee qormo uu Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayaa magacyada dad taariikhda ku galay in ay leeyihiin awood mucjiso ku ah awoodda caadiga ah ee aadamaha looga bartay, iyo xogtooda oo kooban.

6. Isao Machii: Waa 42 jir u dhashay dalka Jabaan waxa uu xirfad mucjiso ah ku leeyahay isticmaalka seefta, waxa aanu awoodaa in uu dhexda ka kala gooyo jaro wax kasta oo ku soo jihaysan inta uu doono ha le’ekaado xaware kastana ha ku socdo. Xitaa waxa uu awoodaa in uu badhtamaha seef kaga kala gooyo shay lagu soo ganay oo ku socda xawaarahe dhan 700 kiloomitir saacaddii, waxaaba dhacday in uu rasaas lagu soo riday kala jaray isaga oo weliba aan mar kelia surmo seegto lagu arkayn.

Isao mar wax laga weydiiyey xaaladdiisan mucjisada ah iyo sida uu u waajaho waxa uu sheegay in waxa lagu soo ganay aanu indhaha uun ku arag ee markaba ay maskaxdiisu saiwrato sida uu u eeg yahay iyo halka laga abbaari karo.

7. Dave Mullins: Waa dabbaalyahan u dhashay dalka New Zealand, dadka aadka ula socdaanna waxa ay ku naanaysaa “Ninkii Kalluunka ahaa” iyaga oo uga duur xulaya awoodda mucjisada ah ee Alle u siiyey in uu biyaha guntooda ku jiro saacado badan isaga oo aan isku rakibin ama sii qaadan qalabka neefsiga.

Baadhitaanno ay dhakhaatiirtu ku sameeyeen Dave Mullins si ay u ogaadaan bal sababta keeni karta in uu muddo u biyaha ku dhex jiro isaga oo aan Ogsajiin wadan waxa ay ku ogaadeen in ninkani uu ku tababaran yahay in uu muruqyadiisa si caadi ah u dhaqaajiyo isaga oo aan helayn Ogsajiin, taas oo caadi ahaan aan suurtogal u ahayn dadka.

8. Kim Peek:  Waxa uu ahaa Maraykan dhashay sannadkii 1951kii, waxaana lagu naanaysi jiray “Caalimka” Peek oo 58 jir ku geeriyooday waxa uu Alle hibo u siiyey xusuus nooceedu uu aadamaha mucjiso ku noqday. Caadi ahaan waxa uu ku dhashay naafonimo dhinaca maskaxda ah, taas oo sabab u noqotay in uu ku fashilmo in uu xidhiidho bulsho yeesho. Cidladii iyo gooni jooggii Kim oo waxbartay waxa ay ka caawiyeen in uu waqtiga isku dhaafiyo wax-akhriska oo aakhirkii noqday balwad uu si weyn u qabatimay. Kim waxa uu awood u lahaa in shay kasta oo uu akhriyo uu dusha ka qaybo (Xafido), qiyaas lagu sameeyey heerka wax xafidistiisana waxaa lagu xaqiiqsaday in buug kasta oo loo keeno, waxa uu doono ha ka hadlo ee, uu Kim awood u leeyahay in uu laba ilbidhiqsi gudahood ku qaybo laba bog oo ka mid ah.