Toban Qalad Oo Ay Tahay In Uu Ka Dheeraado Ruux Kasta Oo Caqli Badani

0
1113

Qaladaadka oo la qirtaa waa habka keliya ee la iskaga ilaalin karo in qaladka mar dhacay marar badan lagu celceliyo, iyada oo ay sidaas tahay haddana qaar badan oo innaga mid ah ayaa ay dhibaato ku tahay in ay qaladaadkooda qirtaan.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Michigan ee dalka Maraykanka ayaa ogaaday in dadku ay u qaybsamaan laba nooc:

  1. Dad leh caqliyad meel keliya ku taagan oo hal qalad ku celcelisa marar badan iyaga oo aan qiranayn.
  2. Dad leh caqliyad horumarsan oo ku dhac u leh in ay gefafkeeda qirato, waxna ka barato si ay naftooda u wanaajiyaan.

Travis Bradley ayaa maqaal uu ku qoray shabakadda Quarz ee dalka Maraykanka waxa uu ku sheegay qaladaad aynu dhammaanteen samayno laakiin kuweenna fariidada ahi ay mar keliya uun sameeyaan, kaddibna duruus ka bartaan. Halka kuwa doqmaha ahi qalad kasta marar badan ku celceliyaan

Qormadan Oo aynu ka soo xigannay shabakadda Aljazeera ayaa shabakadda Quartz ee dalka Maraykanku ay ku eegaysaa qaladaad uu ay dhammaanteen samayno, laakiin kuweenna fariiddada ahi ay mar keliya uun sameeyaan kaddibna duruus ka bartaan si aanay dib ugu noqon.

  1. Ha rumaysan ee aamin

Dadka qaar ayaa uu Alle u dhaliyey haybad ay maskaxdeenna ku saamayn karaan. Waa dad naftooda ku kalsoon illaa xad aynu rumaysanno waxkasta oo ay yidhaahdaan. Waa dhab in qaar badan oo ka mid ah dadka guulaystay ay jecelyihiin in ay caawiyaan kuwa kale, laakiin iska jir in aad u fahanto in tallaabo kasta oo ay iyagu guul ku gaadheen adigana sida oo kale ku geyeysiinayo, sida oo kale ogow in wax kasta oo ay kuu sheegaan uu yahay kii aad ku guulaysanaysay. Qofka fariidka ahi waa kuwa ka fikira heshiis iyo qorshe kasta oo qurux badan. Qofka maskaxda badani waa kan su’aalo dhab ah iska weydiiya qorshaha loola yimaaddo ka hor inta aanu ka qaybgelin.

  1. Hal shay oo aad ku celceliso adiga oo natiijo tii hore ka duwan ka filaya

Saynisyahankii cilmiga Fiisigiska ee Albert Einstein ayaa hadalladiisa halkudhegyada noqday waxaa ka mid ahaa, “Waallidu waa in aa dhal shay ku celceliso adiga oo filaya in aad natiijo tii hore ka duwean ka hesho” Qofka maskaxda badani waa kan halka qalad ee mar ka dhaca u qaata waayoaragnimada, isaga oo og haddii natiijo tii hore ka duwan uu doonayo in ay qasab tahay in uu beddelo hannaankii uu markii hore maray iyo sidii uu hawshaas u qabtay.

  1. Kuma degdego raalli ahaanshiyaha

Qofka caqliga badani waxa uu ogyahay in raalli ahaanshiyo iyo farxad la helaa aanay dhaqso isaga iman, iyo in guusha iyo yoolka oo la gaadho ay ka horreyso shaqo badan oo aad u adagi, sidaas awgeed tallaabo kasta oo aad qaaddaa ay tahay dhiirrigelin kugu riixaysa jidka guusha. Waa waayoarag xanuunka iyo hungada soo arkay marar hore oo uu guuldarraystay.

  1. Miisaaniyad la’aan ha hawlgelin

Qofka caqliga badani waa kan fahamsan in miisaaniyad aad looga fikiray oo la dejiyo laguna dhaqmaa tahay hab lagaga hortegayo in fursadda la dayaco. Qorshe kasta inta aanad bilaabin u samee miisaaniyad iyo kharash aad sii gasho si aanay hawsha dhexdeeda fashilaadi u iman.

Maadaama oo ay hawlkastaa miisaaniyad u baahan tahay waxaa waajib ah in tallaabooyinka aad qaadaysaa ay noqdaan kuwo aad si xeeldheer u daraasaysay waxa aad doonayso iyo wax kasta oo aad u baahan tahay.

  1. Sawirka oo dhammaystiran indhahaagu ha arkaan

Waa arrin iska fudud in aad mashquul aad ah noqoto iyo in aad si hagar la’aan ah uga hawlgasho shaqada waxa ku hor yaalla ee kuu muuqda. Laakiin waxa ay tani inta badan sababtaa in aad arki weydo ama iska indhatirto sawirka weyn iyo muuqaala dhammaystiran ee hawshani leedahay. Qofka fariidka ahi waxa uu bartaa muhiimadda ay leedahay in hawl kasta oo uu qabanayo uu natiijadeeda u dambaysa iyo sawirkeeda oo dhammaystiran humaag ahaan u sii arko, isaga oo hawlqabashada u kala hormaynaya sida ay u kala muhiimsan tahay si uu guul ugu gaadho yoolkiisa.

  1. Waajibaadkaaga gudo

Qofka caqliga badani waxa uu ogyahay in marmarka qaarkood uu nasiibku la jiri karo, laakiin waajibaadkiisa oo uu gudan waayaa ay ka hor istaagi karaan in uu rumayn kari waayo waxa uu doonayo oo dhammaysitran. Sidaas awgeed ma’aha qof isku halleeya nasiibka, sida oo kale waxa uu ogyahay in aanay jirin wax lagu beddesho shaqo badan iyo Samir lala yimaaddaa.

  1. Qof kale ma noqon kartid

Dad badan ayaa dhaqan u leh in qof aanay ahayn ay iska dhigaan si ay cid u raalligeliyaan. Qofka maskaxda iyo fariidnimada badani waxa uu si fiican u ogyahay in qof kale iska dhiggu ay tahay gef ka dhigaya in uu noqdo qof aan run ahayn ama been abuur ah, sidaas awgeed waxa ay ogyihiin in farxadda iyo guushu ay u baahan yihiin u gacan bax iyo run ku noolaanshiyo.

  1. Dadka oo dhan lama raalligelin karo

Qofka maskaxda badani waxa uu si fiican u yaqaannaa in aanay suurtagal ahayn in qof kasta la raalligeliyo. Si aad u noqoto qof hawl waxtar leh qaban kara, waa in aad noqotaa geesi ku dhac leh oo aan qof kasta raalli noqosho ka filan. Waa sida keliya ee aad ku qaadan karto go’aamo saxan. Ha isku kallifin in go’aanka aad qaadanaysaa uu noqdo mid cid kastaa ku faraxdo kana raalli noqoto.

  1. Dhibbane iska dhig

Mararka qaarkood waxaa dhacda in qofka caqliga badani uu jilo in uu isagu dhibbane yahay. Laakiin markaba waxa ay gartaan in dhibbane la iska dhigaa ay tahay khiyaamo. Waxa ay garanayaan in dhibbane aad iska dhigto uu macnaheedu yahay in aad iska fogeyso quwadda iyo kartida kugu jirto, taasina waa arrin aan fududayn, sidaas awgeed ma fududa in aad dhibbane ku jisho noloshaada.

  1. Ha ku daalin iskudayga beddelista qof aan isbeddel rabin

Qofka maskaxda badani waa kan garta in ay adagtahay in uu isku dayo bedelista maskaxda qof aan doonayn isbeddel. Sidaas awgeed waxa uu noloshiisa u dhisaa si togan oo xaqiiqo ku fadhida. Sida oo kald waxa ay ka dheeraadaan wax la wadaagista iyo ka agdhowaanshiyaha dadka niyadjabka ku abuuraya oo caqabad ku noqon kara gaadhista guusha ay higsanayaan.