Madaxweynihii Hore Axmed-siilaanyo Oo Dalka Dibeddiisa U Dhoofay, Xilli muddo koobani ka hadhay Shirweynaha Kulmiye

0
674

Hargeysa (Geeska) – Waxa Arbacadii Shalay dalka dibeddiisa u dhoofay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka mid ah Qoyskiisa oo ay ka mid yihiin Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-weris) iyo Wiilka uu sodogga u yahay ee Baashe Cawil Cumar.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubnaha la socda ayaa ku waajahan dalka isku tagga Imaaraadka Carabta oo ay ku noolaayeen intii ka dambaysay 2017-kii oo uu Mudane Siilaanyo wareejiyey Xilka Madaxweyne-nimo, ka dib markii la doortay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha hore iyo Qoyskiisa oo muddooyinkii u dambeeyay ku sugnaa Magaalada Hargeysa ayaa waxa safarkooda dalka dibeddiisu ku soo beegmay xilli loo diyaar-garoobayo shirweynaha 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye.
Illaa hadda ma cadda waxa safarka Guddoomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye, ahna Aasaasihii Xisbigaasi safarkiisa dibedda ku soo beegmay xilli muddo bil ka yari ka hadhay Shirweynaha 4-aad, inkasta oo ay jiraan Warar aan rasmi ahayn oo sheegay in Axmed-Siilaanyo iyo xubnaha Qoyskiisu ka cudur-daarteen inay ka qayb-galaan shirweynaha Xisbigaasi isla-markaana diideen Kaadhadhka Casuumadda oo loo geeyay.

Ma jirto Cid Masuuliyiinta Xukuumadda ka mid ah oo ku sii sagootiyey Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, balse waxa sii galbiyey qaar ka mid ah Saaxiibbadii.
Xilligan ayaa waxa Xisbiga Kulmiye ka dhex taagan Khilaaf siyaasadeed oo weyn.

Geeska.net/Hargeisa Office