Tilmaamo Sheegaya In Cudurka Maskaxda Isku Dhex Daadiya Ee Alzheimer La Kala Qaadi Karo

0
621

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhayaal ku xeeldheer cudurka maskaxda dila ee Alzheimer’s oo ku dhow xanuunka Soomaalidu asaasaqa u taqaanno aya sheegay in qalniino ay sameeyeen ay muujinayaa in ay aad u suurtogal tahay in cudurkani uu ku faafo si la mid ah uun sida uu ku faafo cudurka kale ee Creutzfeldt-Jakob disease (CJD) oo isaguna maskaxda ku dhaca.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in qalabka mindida, makiinadda iyo guud ahaan qalabka qalniinka oo uu gaadhay dhiigga qof qaba cudurka Alzheimer ka iyo sidoo kale irbadaha uu isticmaalay ay khatar ku yihiin qofka badqaba, suurtogalna ay tahay in cudurka ay gaadhsiiyaan.

Xeeldheerayaashan oo u dhashay dalka Ingiriisku waxa ay natiijadan kala soo dhex baxeen cilmibaadhis lagu sameeyey maskaxda 8 ruux oo dhintay waxa aanay sheegeen in ay sheegeen in ay suurtogal tahay kala qaadista cudurkani, in kasta oo hore cilmiga caafimaadku u ogaa in aan la kala qaadin isla markaana aanay hadda jirin caddayn weyn oo dhinaca cilmiga ahi.

Cudurka Alzheimer: Waa nooc asaasaqa ka mid ah oo inta badan ku dhaca dadka waayeelka ah iyo dadka hidde ahaan u leh cudurkan, waxa aanu dilaa unugyada kala duwan ee maskaxda illaa aakhirka uu keeno in maskaxdu ay yaraato shaqooyinkeeda qaar badan oo ka mid ahina hawlgab noqdaan ama dhaawac soo gaadho.