Suldaan Maxamed Xirsi Qani Oo Madaxweyne Siilaanyo Ugu Baaqay Inuu Cadeeyo Mawqifkiisa Dhacdadii Wakiilada

0
501

Picture7?Hargeysa(Geeska)-Suldaanka guud ee Beelaha Habaryoonis, Suldaan Maxamed Xirsi Qani, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo looga fadhiyo  jawaab degdeg ah oo uu ka bixiyo feedhkii ka dhex dhacay Guddoomiye Cirro iyo kuxigeenkiisa Baashe.

Waxa uu sheegay in haddii madaxweynuhu ka jawaabi waayo arrintaasi ay u muuqanayso in xukumaddu kula socoto Baashe inuu maamulka golaha ku qabsado guddoomiye Cirro “ 24 sannadood ayaynu joognay, wali may dhicin gole la isku qabsado hogaankiisa, mid xukumadeed,mid wakiillo iyo mid guurti toona. Maaha Baashe iyo Cirro feedhka ka dhex dhacay kaligood, baarlamaannadu way is feedhaan laakiin mawqif la isku hayo ayaa la isku feedhaa ee la iskuma qabsado golaha anigaa hogaaminaya iyo anigaa hogaaminaya,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Xirsi Qani.

Suldaanka oo sii hadlaya ayaa rumaysan inaanu Baashe Maxamed Faarax kali ku ahayn maroorsiga awooda hogaamineed ee wakiillada balse uu xukumadda taageero ka haysto “Baashe wuxuu yidhi anigaa ka guddoomiye ah golaha, waxaanan qabaa inaanu kaligii ku ahayn mawqifkaas. Madaxweyne Axmed Max’med Siilaanyo waxaan leeyahay umaddu waxay u baahan tahay inaad ka jawaabto, haddii aan xukumaddu sidaas kula socon Baashe oo aanay raali kaga ahayn. In Madaxweynuhu degdeg uga jawaabo mawqifkaas ah hogaanka golaha ee la isku qabsaday ayaa loo baahan yahay.

Intaas waxa raaca, waxaa la yidhi meel bugta iyo farta waa la kala dhawraa, in Cabdiraxmaan lagu qabsado Makarafoonka iyo anaga waa nala kala ilaaliyaa, wax hore ayaanu hibanaynaa, waxaan leeyahay arrintaas degdeg ha looga jawaabo. Mawqifka aanu ka taagannahay waxa weeye, waxaanu sugaynaa jawaabta madaxweynaha haddaanay wax xukumaddu isku raacsan tahay ahayn, Baashe dambi ma laha ayaan qabaa oo wax lagu soo yidhi ayuun buu fuliyay, golaha hogaankiisa waxaa lagu og yahay Cabdiraxmaan, maalinta uu isagu iskii uga tago ha joogto,” ayuu yidhi Suldaanku. Suldaanka ayaa sidoo kale ka digay wareejinta Haamaha Shidaalka Berbera.