Tilmaamaha Taleefanka Gacanta Oo Carruurta Loogu Talagalay, Dugsiyadana Ay U Qaadan Karaan

8
1484

Sydney (Geeska)- Shirkad laga leeyahay dalka Ustareeliya ayaa soo saaraysa taleefanka gacanta oo ay ku sheegtay in uu yahay kii ugu horreeyey ee aamin u ah in ay carruurtu ku isticmaasho Internet ka. Shirkadda Family Zone oo ka shaqaysa badqabka isticmaalka Internet ka, ayaa sheegtay in taleefankan cusub oo ku shaqaynaya barnaamijka Android ka loogu talagalay in uu dejiyo cabsida ay waalidiintu ka qabaan isticmaalka carruurtooda ee shabakadda caalamiga ah. Suuqana uu soo geli doono dhammaadka bisha laba iyo tobnaad ee sannadkan 2018 ka.

Shikraddu waxa ay sheegtay in taleefankan carruurta loogu talagalay uu waalidka siinayo fursad ay kula socdaan waxa ilmuhu ka isticmaalayo internet ka, waxa kale oo taleefankan la socda barnaamij sannadka koowaad bilaa lacag ah oo waalidka u ogolaanaya in ay xakameeyaan isticmaalka uu ilmuhu isticmaalayo taleefankan.

Waxa uu leeyahay nidaam waalidka fursad u siinaya in iyaga oo shabakadda internet isicmaalaya ay ilaalayn karaan bogagga uu ilmuhu isticmaalayo, isla markaana ay dabri karaan waqtiga uu ilmuhu isticmaalayo. Laakiin haddana, taleefankan oo qiimihiisu yahay 199 doolar, ayaa ilmaha siinaya xorriyad illaa xad uu si badqabta ugu isticmaali karo internet ka. Tusaale ahaan waxa uu ilmuhu awoodi karaa in uu isticmaalo barta bulshada ee Snap Chat iyada oo uu waalidkuna la socdo dadka uu la xidhiidhayo iyo waxa uu dadka kula wadaagayo bartan.

Dugsiga

Waxa kale oo uu taleefankani leeyahay barnaamij suurtagelinaya in ardayda isku dugsiga ahi ku xidhiidho iyo in maamulka dugsigu maalinta oo dhan la socon karo wax kasta oo ilmuhu ku isticmaalayo taleefankan. “Taleefankani waxa uu beddelayaa sababtii marka hore ilmaha loogu diidayey in uu taleefanka ku dhex isticmaalo dugsiga” ayaa uu yidhi Levi oo ka mid ah masuuliyiinta shirkaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here