Kulanka Guud Ee Qaramada Midoobey Iyo Dhacdooyinka Xiisaha Leh Ee Sannadkan Ka Dhacay

29
2570

Nidaamka ay ku dhisantay Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysaa waxa uu ka kooban yahay lix xubnood oo aasaasi ah. Waxa ay kala yihiin, Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, Golaha ammaanka, Golaha dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada (ECOSOC), Golaha fulinta Qaramada Midoobey, Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda iyo golaha kalsoonida (UN. Trusteeship) oo ahaa gole loo igman jiray in uu maamulo dalalka iyo goballada aan gaadhin heerka dawladnimo. Laakiin shaqadiisa la joojiyey sannadkii 1994 kii.

Golaha loo dhan yahay ama golaha guud ee Qaramada Midoobey oo lixdaas xubnood ka mid ahi waa kan keliya ee dhammaan dawladaha qaramada Midoobey ka tirsani ay ku leeyihiin metelaad loo dhan yahay iyo codayn loo siman yahay. Awoodaha golahan waxaa ka mid ah samaynta siyaasadaha qaramada midoobey, dejinta iyo dusha kala socoshada miisaaniyadda Qaramada Midoobey, magacaabista xyubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka, calaamadinta xubinta ay u doorbidayaan in ay noqoto xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey iyo in ay warbixinnaha ka dhegeysto qaybaha kala duwan ee Qaramada Midoobey ka kooban tahay. Golaha guud waxa uu leeyahay xeernidaamiy u gaar ah, fadhi kasta oo uu yeeshana waxa uu ku doortaa madaxweyne iyo 21 ku xigeen. Sannad kasta bisha sagaalaad ayaa badhtamaheeda waxaa xarunta guud ee Qaramada Midoobey oo magaalada New York ku taalla isugu yimaadda dhammaan hoggaamiyeyaasha dunida, si ay u yeeshaan kulanka guud ee Qaramada Midoobey.

Waa arrin iska caadiya marka dad sidaas u tiro badani ay meel isugu yimaaddaan, ay ka dhacaan arrimo badan oo maadays, amakaag, cadho iyo farxadba abuuri kara. Taas ayaana sannad kasta ka dhacda kulanka guud ee Qaramada Midoobey. Maadaama oo dhaqdhaqaaqa iyo hadalka madaxda dunida indhaha lagu hayana ficil iyo erey kasta oo aan dabiici ahayn oo ka dhacaa waxa uu warbaahinta u noqdaa mawduuc xiise leh oo ay ka sheekeeyaan. Qormadan waxa aynu ku soo koobaynaa dhowr ka mid ah dhacdooyinkii xiisaha lahaa ee bishan lagu arkay madaxda dunida ee ku kulansan xarunta guud ee Qaramada Midoobey.

Wasiirkii iyo marwadii koowaad ee gam’ay madaxweynihii oo hadlaya

Inta badan, waa arrin aan loo dulqaadan in la arko masuul shir caalamiya fadhiya oo xilli shirku socda ku dhex gam’o. laakiin waa ay dhacdaa, waxa se uu yaabku sii badanayaa marka masuulka seexday uu seexday xilli cidda shirka ka hadlaysaa ay tahay masuulkiisii, isaguna yahay qofka masuuliyad ahaan ugu soo dhow inta shirka fadhida. Arritani waxa ay ku dhacday wasiirka arrimaha dibadda dalka Ukraine Pavlo Klimkin oo hurdo aad u dheer ku jira xilli uu khudbadaynayo madaxweynaha dalka Ukraine Petro Poroshenko.

Talefishan laga leeyahay dalka Ukraine ayaa sii daayey muuqaalka wasiirka gam’ay intii ay socotay khudbadda uu madaxweynuhu ka jeediyey kulanka guud ee jimciyadda quruumaha ka dhexeysa. Waxa se taas ka sii xiise badnayd in kamaraduhu ay sida oo kale sawireen, marwada koowaad ee dalka, wasiirka caafimaadka iyo xubno kale oo ka mid ahaa waftiga madaxweyne Poroshenko, oo dhammaantood gama’san, iyada oo uu madaxweynuhu weli wado khudbaddiisa. Waxaa iyaduna xusid mudan in ay madhnaayeen inta badan ee kuraasta martida shirka ka qaybgelaysay, taas oo u muuqata in aan xiise badan loo qabin khudbadda madaxweyne Poroshenko oo u badnayd eedo uu u jeedinayey dawladda Ruushka.

Ilme yar oo markii ugu horreysay ka qaybgalay kulanka Qaramada midoobey

Kaadh aqoonsi oo magaciisu ku qoran yahay ayuu markii ugu horreeyey xarunta guud ee qaramada midoobey oo uu kulankii guud ka socdo ku galay ilme yar oo saddex bilood oo keliya jiray. Ilmahan oo ah Neve Gayford hooyadii waa Jacinda Ardern oo ah raysalwasaaraha dalka New Zealand. Waxa isna madasha fadhiyey Clarke Gayford oo hore u ahaan jiray wariye idaacadeed, laakiin imika go’aansaday in uu koriyo inantiisa maadaama oo ay mashquulayso xaaskiisa oo ah raysalwasaaraha.

Raysalwasaare Jacinda Ardern oo 38 sano jir ahi waa haweenaydii labaad ee la doortay dunida ee iyada oo xilka haysa umusha, waxa aana ka horreysay Benazir Bhutto oo sannadkii 1990 kii ummushay iyada oo raysalwasaare ka ah dalka Pakistan.

Raysalwasaare Jacinda oo ka hadashay dareenka ay dadkii madasha fadhiyey ka aragtay markii ay gudaha la gashay inanteeda, ayaa tidhi, “Waxa fiicnaan lahayd in aan sawir ka qaadi lahaa deymadii la yaabku ka muuqday ee aan ka arkay wejiyada waftiga Jabbaan ee madasha shirarka fadhiyey markii ay arkeen aniga oo xafaayadda ka beddelaya inantayda. Qiso xiise gaar ah leh ayaa ay u noqon doontaa inantaydu marka ay gaadho da’da 21 sano jirka.”

Trump Oo Kala Garan Waayey Golayaashii Dalkiisa Iyo Madasha Qaramada Midoobey

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii golaha guud ee Qaramada Midoobey waxa uu ku bilaabay warbixin uu kaga sheekaynayo xaaladda gudaha ee dalka Maraykanak iyo waxqabadka ay xukuumaddiisu samaysay intii uu talada Aqalka Cad ee Maraykanka qabtay. waxa uu sheegay in waqti ka yar laba sano oo uu xilka hayey uu gaadhay guulo iyo waxqabad ka badan intii uu muddadaas oo kale ku gaadhay madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Barak Obama.

Markiiba madaxdii iyo martidii golaha buux dhaafiyey ayaa qosol la yaabatiin ah ku qaabilay hadallada Trump uu kaga hadlayo waxqabadkiisa Maraykanka ku aaddan. Trump oo aad mooddo in uu khajilay, ayaa yidhi, “Oo dareen celin caynkaas ah (Qosol ah) idinkama aan filayn ee. Laakiin waa arrin iska caadiya” Markii uu intaa yidhi, dad badan ayaa u fahmay in uu haatan is badhqaban doono oo uu hadalkiisa inta hadhay ku jihayn doono xaaladaha iyo qadiyadaha caalamiga ah. Laakiin taasi ma’ay dhicin ee Trump waa uu iska sii watay hadalkiisii u ekaa in uu codbixiyeyaasha Maraykan la hadlayo, waxa aanu sheegay in uu horumar dhaqaale oo badan dalka gaadhsiiyey, in uu uu hoos u dhigay tirada shaqo la’aanta dalka iyo guulo kale oo uu sheegay in uu gaadhay muddadii uu xilka dalkiisa hayey”

Mar kale ayaa Trumo lagu qoslay markii inta uu ku faanay in dalkiisu yahay dalak caawimada ugu badan dunida siiya, oo uu ku hanjabay in aanay suurtagal ahayn in dalal uu Maraykanku caawiyaa ay haddana danaha Maraykan ilaalin waayaan, “Haddii dawladaha doolarkayaga qaataa aanay danahayaga ilaalinayn, caawimo lacageed siin mayno, cid aan na ixtiraamayn” laakiin sida muuqata intaas kaddib inta uu isu caqli celiyey uu ka daba tuuray, “Runtii, waa marka saaxiibbadayo laga reebo”

In kasta oo tobannaankii sano ee u dambeeyey ay dalalka reer galbeedku ku socdeen siyaasad ah waxa loogu yeedho ‘Carro edegeynta dunida’ oo ah in laga dhigo meel isku wada xidhan dhaqaale ahaan, waxaa dadkii goobta joogay la yaab ku noqotay markii uu Trump si cad u sheegay in uu isagu fikirkaas diiddan yahay, “Maraykanka dadka Maraykan ayaa xukumaya, waanu diidannahay aragtida carro edegeynta, waxa aanu haysannaa mabda’a ah wadaniyadda”

Dhinaca kalana madaxweyne Trump ayaa si aan looga baran madaxda dunida ee hadalka ku qoran waxa uu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay in uu hadlo, taas oo sababtay in halkiisii la geliyo madaxweynaha dalka Ecuador.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here