Tikniko Iyo Maleeshiyaad Khatumo Ka Soo Goostay Oo Somaliland U Soo Wareegay

2
817

Picture5Beer (Geeska) – Wefti uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, isla markaana ay xubno ka yihiin Wasiirrada Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Biyaha Xuseen Maxamed Cabdulle, Wasiiru-dawlaha Nabadaynta ee Gobollada Bari Cali Maxamuud Axmed (Sandule) iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa shalay u kici timay gobollada bari ee dalka.

Weftiga oo maray magaalooyinka Berbera, Burco, Caynabo, Oog oo lagu soo dhaweeyay ayaa xalay ku hoyday degmada Ceel-afwayn ee gobolka Sanaag, waxaana weftiga casho sharaf loogu sameeyay deegaanka Beer Weyso oo 60 KM bari ka xigta Ceel-afweyn, waxaana weftiga halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Gobolka Sanaag, Duqa magaalada, Taliyaha qaybta Booliska ee Gobolkaas iyo masuuliyiinta degmooyinka Gar-adag, Ceel Afweyn iyo Darar-weyne.

Weftiga ayaa maanta deegaanka Fiqi fuliye ee Gobolka Sanaag ku soo dhaweynaya siyaasi Cabdiraxmaan Faarax Xirsi (Uurbayte) oo ka soo goostay kooxda Khaatumo.

Siyaasigan oo wata ilaa lix gaadhi oo tikniko ah iyo Maleeshiyaad tiro badan, ayaa maanta xaflad soo dhaweyn ah loogu samayn doonaa deegaanka Fiqi-fuliye.

Siyaasigan wasiirada badan iyo saraakiisha kale soo dhaweyntiisa ka qayb-galayaan, ayaa la sheegay in maalmihii u dambeeyay ay xukuumadda u socdeen wadahadallo la xidhiidha sidii uu Somaliland u iman lahaa, taasi oo aakhirkii lagu guulaystay.

Comments are closed.