Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Axadda Beri Hargeysa Ka Soo Degaya

0
623

Picture4Hargeysa(Geeska)-Wasiirka cusub ee arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah Md.Maxamed  Biixi Yoonis, ayaa la filayaa inuu Axadda beri soo gaadho magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Md. Biixi, oo diyaarad gaar ah kaga soo kicitimaya magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, waxa uu barqada ka soo degayaa madaarka Cigaal Airport ee Hargeysa, waxaana magaalada Hargeysa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhawayntiisa oo ay guddi gaar ahi isu xilsaartay.

Maxamed Biixi, oo ah aqoonyahan meel sare ka gaadhay xidhiidhka caalamiga ah iyo diblomaasiyadda, ayaa waxa sugaysa siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland oo saddexdii sanno ee uu Madaxweyne Siilaanyo hayay ay bulshadu si weyn u dhaliilaysay, waxa kale oo sugaysa xidhiidhka Qaramada Midoobay iyo Somaliland oo aan wanaagsanayn. Mr. Yoonis, ayaa xil sare ka hayay Qaramada Midoobay, waxaana markii xilka Somaliland looga magacaabay uu warqadiisii is casilaadda u gudbiyay xoghayaha guud ee qaramada midoobay.

Si kastaba ha ahaate, bulshada Somaliland ayaa si weyn u dhawraysa wasiirka cusub iyo qorshayaasha uu layimaado.