Hargeysa:-Carwada Sacaadadiin Oo La Furay Iyo Maalmaha Qiimo Dhimista

0
523

Picture6Hargeysa(Geeska)-Carwada Sacadadiin ee duleedka buurta kala jeexan ee galbeedka Hargeysa,ayaa si rasmi ah xalay loo furay,iyada  oo halkaas lagu soo bandhigay dharka caruurta,dada dhaxe,dadka waaweyn iyo kaba-hoodaba,intaas oo ay dheer yahiin wax yaabaha ay caruurtu ku ciyaarto maalinka ciida oo aad u kala duwan kuna cajabinaaya.

Sida oo kale Carwadan Sacaadadiin waxa ay masuuliyiinteedu balan qaadeen in Carwadu ay socon doonta mudo labaatan maalmood ah oo ku eeg ciida,isla markaasna qiimo dhimis ay samaynayaan saddexda cisho ee furitanka iyo sida oo kale saddexda casho ee u danbeeya.

Carwadan Sacaadadiin ayaa sanad walaba la furaa iyada oo dad weynaha reer Hargeysa loo keeno dhar iyo kabo ay xidhan karaan qaybaha kala duwan ee dadku maalinta farxada badan ee ciidka.

Khadar Axmed Ciise oo ku hadlay afka hawl wadeenada Carwada Sacaadadiin oo wargeyska Geeska Afrika ugu waramay goobtan Carwadu ka furantay ayaa sidan sheegay “ Carwadani maaha markii ugu horaysay ee aanu furno ee sanad walba hadaaya oo kale waanu furnaa,waxaanu halkan ku soo bandhigaynaa dharkii caruurta, dadka dhaxe iyo kuwa waaweyn,maaha dhar kaliyaata ee waxay wataan kabahii iyo waliba wax  yaabahii caruurtu ay ku ciyaari lahaayeen ciida oo aad u cajiib ah,waxay socon doontaa ilaa 20 casho inta Ciida laga gaadhaayo,waxa qiimo dhimis la samaynayaa sadexda casho ee ay bilaabmayso iyo sida oo kale sadexda casho ee ay xidhamayso.”

Xaruntan Carwada Sacaadadiin ay ka furmatay ee duleedka buurta kala jeexan ee galbeedka Hargeysa,ayaa ahayd mid ceeryoon ah oo dad aad u badan ay isugu yimaadeen wax yar uun ka dib wakhtigii furitaanka, dadkaas oo caruur iyo dad waaweynba isugu jiray ayaa u taagnaa iibsiga dharkii maalinta farxada ee ciidka ay ku damaashaadi lahaayeen.