Tijaabo Aad Ku Qiyaasi Karto Heerka Fariidnimadaada Iyo Awoodda Ay Maskaxdaadu U Leedahay Ka Jawaabista Su’aalaha Degdegga Ah

0
972

Hargeysa (Geeska)- In kasta oo tijaabo noocan ahi ay u baahan tahay in ay sameeyaan khubaro kala duwan oo takhasus ahi, sidoo kalana tijaabo keliya aan lagu go’aamin karin fariidnimada ama caqliga qofka, haddana tani waa bilow fiican oo uu qofku ka duuli karo kuna sii ogaan karo heerkiisa maskaxeed (Fariidnimadiisa).

Adiga oo aan eegayn jawaabaha hoose isku day in aad ka jawaabto su’aalahan. Kadibna eeg Qiyaasta hoose. Waqtiga laguu ogol yahay in aad ka jawaabto su’aalahani waa Toban Daqiiqo oo keliya. Haddii natiijadaadu ka hoosayso 80% ama aad waqti lagu qabty ee 10 daqiiqo ah ku dhamaystiri weydo, macnaheedu waa in aad ka hoosayso heerkii Fariidnimada.

waa Su’aalihiina waa kuwan hoos ku qoran:

1. Xayawaannadan Shanta ah kee ayaa ka soocan afarta kale oo aan qaab ahaan u dhoweyn?

    1. Baqal (   ). 2. Sac (   ) 3. Gorayo (  ) 4. Dameer (   )  5. Faras (   )

2. Haddii kelmadda Goob Xagga dambe lagaga yimaaddo, waxa ay noqonaysaa, Boog: Haddii tirade 6323 Xagga dambe lagaga yimaaddana waxa ay noqonaysaa:

    1. 2336 (  )  2. 6232 (   )  3.  3236 (  )  4. 6332 (    )

3. Ereyga ku habboon goobta bannaan ka soo dooro kuwa hoose:

    Ubaxa xitaa kiisa ____________________ Waxa uu leeyahay Qodax.

    1. Xumi (  )  2. Qaadhay (  ).  3. Yari (   ).  4. Dhibta lihi (   ).  5. Quruxda badani (    )

4. Saqafku waxa uu ku yahay guriga sida Madaxa uu ku yahay:

    1. Timaha (  )  2. Qoorta (  ).  3. Gadhka (  ).  4. Koofiyadda (  ).   5. Sunnayaasha (  )

5. Ereyga Kama’ waxa uu macne ahaan ku dhow yahay:

    1. Aslaaxin (  ).  2. Lama huraan (  ).  3. Rabshid (  ).  4. Walbahaar (  )  5. Gef (  )

6. Saddex xaraf oo isku xiga oo ka mid ah Ereyga Gobonnimo haddii gaar loo soo qaato waxa ay noqdaan magaca:

    1. Caleen (  ).  2. Magaalo (  ).  3. Qof (  )  4. Dal (  ).  5. Midho La Cuno (  )

7. Wakaaladda saadaasha iyo hawada sare ayaa meere dhulka aad uga fog ka heshay saddex farriimood oo ah

    Qoraal ku qoran Af aan la garanayn. Markii khubaradii ay baadhitaan ku sameeyeenna waxa ay ogaadeen in:

    1. Kondoor Booldon Salawk. Ay la macno tahay:  “Khatar…!   Dayax gacmeedku wuu qarxayaa”

    2. Idwaan Maynar Nikoor. Ay la macno tahay: “Digniin…! Doonidu wey gubanaysaa”

    3. Booldon Jimilsoor kandoor. Ay la macno tahay “Khatar…!  Neeftu waa ay qarxaysaa”

Haddaba ka dooro ereyada hoos ku qoran ereyga la macanaha ah Kondoor:

    1. Khatar (  ).  2. Wuu qarxayaa (  ). 3. Shidaal (  ).  4. Dayax-gacmeed (  ).  5. Midna (  )

8. Haddii gabadh Timaheedu ay yihiin Midabbo isku jira, oo ay ku karto (xidhiidhiso) Timo kale oo ku habbbon, waxa

    aynu odhan karnaa Muuqaalkoodu:  1.  Wuu is qaadanayaa (  ). 2. Wuu is diidayaa (  ).  3. Wuu kala firdhayaa (   )

9. Haddii uu Cabdi ka dheer yahay Cali , Axmed na ka gaaban yahay Cabdi, waxa ay u dhowdahay in:

     1. Axmed uu ka dheer yahay Cali (  ).        2. Axmed uu ka gaaban yahay Cali (  ). 

     3. Axmed uu dherer le’eg yahay Cali (   )   4. Waa ay adag tahay in la gartaa (  )

10. Cumar da’diisu waa Afar Sano, Asma oo walaashii ahina saddex Laab ayaa ay ka weyn tahay da’daas uu imika

      yahay. Haddaba marka ay Cumar da’diisu gaadho 12 Sano da’da Asma imisa ayaa ay noqonaysaa?

      1. Lix iyo Toban (  ). 2. Afar iyo Labaatan (  ). 3. Labaatan (  ). 4. Siddeed iyo Labaatan (  ). 5. Soddon iyo Laba (  )

11. Haddii qof kasta oo timihiisu ay Bunni yihiin uu dabeecad xumaan lahaa. Cabdina ay timihiisu Bunni yihiin, Cabdi

     wuu dabeecad xumaan lahaa.

      1. Run (  ). 2. Been (  ).  3. Lama garan karo (  )

12. Laba hablood ayaa la siiyey 24 Buug. Inan Salma la yidhaahdo iyada waxa la siiyey Afar Laab inta la siiyey Asma

      oo ka mid ah labada hablood, haddaba waa immisa tirada buugta la siiyey Asma?

      1. Afar (  )  2. Laba iyo toban (  ).  3. Siddeed (  ).  4. Toban (  ).  5. Shan (  ).

13. Haddii la yidhaahdo Hebel Labadiisa Gacmood iskuma gaadhaan, Waxaa looga jeedaa, waa:

      1. Geesi (  ).  2. Caydh (  ).  3. Bakhayl (  ).  4. Isma Gabe (  ).  5. Deeqsi (  )

14. Haddii uu gaadhi 3 Saacadood u socdo meel u jirta 240 Kilomiter, waxa ay u dhigantaa in uu saacad kasta socday:

      1. 28 Km. (  ).  2. 36 Km. (  ).  3. 80 Km. (  ).  4. 95 Km. (  ).   5. 70 Km. (  )

15. Samiira waxa ay ka fiican tahay 50 Hablood oo Fasalkeeda ah, waxaana ka fiican 50 hablood oo fasalkeeda ah,

      waa immisa tirada hablaha fasalka Samiira?

      1. 50 Arday (  ).   2. 75  Arday (  ).  3. 99 Arday (     ).  4. 100 Arday (  ).  5. 101 Arday (  )

16. Haddii laba baabuur ku tartamaan in Hargeysa laga bilaabo orod Berbera marka la gaadhana Hargeysa lagu soo

      noqdo. Oo gaadhiga Cali uu Sii socdo 4 Saac soona socdo 2 Saac. Axmed oo ah ninkii la tartamayayna uu sii

      socod iyo soo socodba socday 6 saac. Labadan nin kee ayaa dheereeyey?

      1. Cali (  ).  2. Axmed (  ).  3. Bar-barro / Isku mid (  ).  4. Ma cadda. (  ) La soco cadadka berri Haddii Rabbi xukmo iyo jawaabaha saxda ah…