Madaxweynaha Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Ingiriiska Iyo EU-da

0
762

Picture1Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa shalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wefti ay ka mid yihiin Safiir ku xigeenka Ingiriiska u qaabilsan Itoobiya Cat Evans, midowga Yurub iyo baanka horumarinta Afrika (African Development Bank).

Kulankan ayaa waxa Madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirada arrimaha dibada, Duulista iyo hawada, arrimaha guddaha, Qorshaynta qaranka iyo Gaashaandhiga.

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa ka faahfaahin ka bixiyay ujeedada kulamada ay yeesheen Madaxweyne Siilaanyo iyo labadan wefti.

“Waxa maanta (shalay) Madaxweynu halkan kula kulmay wefti ka socda Ingiriiska iyo midowga Yurub oo laba maalmood dalka inala joogay, weftigaasi waxay Madaxweynaha ka wadahadleen oo shirkuna si wanaagsan buu noogu dhacay . Mar labaadna waxaanu u mahadnaqaynaa weftga ina soo booqaday.”

Sidoo kale kale Wasiir Maxamed waxa uu sheegay in  weftiga ka socday baanka horumarinta Afrka oo maalmihii u dambeeyay booqasho ku joogay dalka ay Somaliland ka caawinayaan biyaha, waxaanu yidhi  “Waxa Madaxweynuhu la kulmay madax ka socota Baanka horumarinta Afrika (African Development Bank) oo ay hogaaminayaan laba masuul, weftigaas oo ka kooban Enjineero iyo Niman aqoonyahano ah waxay inala joogeen afar ila shan maalmood oo waxay soo wada mareen meelo badan oo wadanka ka mid ah oo ay ka mid yihiin meelaha aynu biyaha uga baahanahay, mashruuca ay u socdaan wuxuu yahay mashruuc biyaha ah oo Wasiirka biyaha ayay la kulmeen iyo Wasiiro badan. Aad baanu ugu mahadnaqaynaa Madaxweynaha Baanka horumarinta Afrika weftigan balaadhan  ee uu soo diray oo aan anigu ka dalbaday  markii aan la kulmay inuu noo soo diro wefti balaadhan oo naga caawiya xaga biyaha, mar labaad baan u mahadnaqayaa Baanka horumarinta Afrika iyo Madaxweynahoogaba dadaalkaa wen ee ay sameeyaan ee ay inaga caawinayaan arrimo biyaha ku lug leh, mashaarcii kale oo Baanku leeyahay wey ka socdaan meesha, haseyeeshee waxaanu ognahay inay biyuhu muhiim yihiin, Wasiirkana wey la kulmeen iyo Wakaaladda biyaha waanan soo dhaweynaynaa weftiga hawsha balaadhan ee ay inoo wadaan haddii aynu nahay shacabka Somaliland.”