Thomas Rosicky Oo Dib Ugu Noqday Wadankiisa Czech Republic Kuna Biiray Kooxda Sparta Prague Oo Uu Yaraantiisii Ka Ciyaari Jiray.

0
1138

tomas-rosicky_5abycj46xel3zwmn6ofvcbgv

Xidigii hore ee kooxda Arsenal Rosicky ayaa si rasmiya ugu biiray kooxdii ciyaal-nimadiisii u safn jiray ee Sparta, isagoo u saxeexay 2 sanno oo heshiis ah. Rosicky ayaa u muuqada inuu xirfadiisa gabo-gabada ku dhaw ee kubada cagta ku dhamaysan doono kooxdan.

Kooxda Reer Czech Sparta Prague ayaana si rasmiya u shaacisay Heshiiska xidigan ruug cadaaga ah maalintii shalay ee Salaasada. Rosicky ayaa xirfadiisa kubada cagta ka bilaabay kooxdan Sparta, halkaas oo uu uga wareegay kooxda Jarmalka ka dhisan ee Borussia Dortmund Bishii January 2001-dii, waxaanu xirfadiisa kor ugu soo qaaday Horyaalka Bundes-Ligaha wadanka Jarmalka. Xidigan ayaana kula guulaystay horyaalka Germany  sanadkii 2001-2002, waxaanu markii dambe uga soo wareegay kooxda Arsenal, isgoo ku qaatay muddo 10 Sannadood ah.

 Si kastay ahaataba xidigan ayaa door-biday inuu ku guryo noqday dalkiisa hooyo ee Czech Republic, waxaana hubaal ah inay kooxdani xusuusin doonto xidigan waayihiisii caruurnimo.