Garaad Badnida Iyo Waallida Maxaa Ka Dhexeeya?: Saynisyahanno Masooliyin Cilmiya Oo Ay Heleen Naftooda Ku Tijaabiyey: Mid Faraha Iska Jara Iyo Mid Sanka Waayaba (1)

0
1103

1Qaahira (Geeska)- Faylasuufkii weynaa ee reer Giriig Aristotle ayaa hore looga qoray,”Weligeedba lama arkin, hanad aanay in yar oo waalli ahi ku jirin” Sidoo kale waxaa marar badan aynu maqalnaa ereyo si uun isugu xidhaya maskax badnaanta iyo waallida.

Haddaba qormadan hoose oo Geeska Afrika afsoomaali u rogay waxa ay ka warramaysaa dhowr qiso oo ina tusaya culimo saynis oo tijaabooyin qofka ku kaca waalli loo malayn karo sameeyey.

1. Barry Marshal: Waa dhakhtar 65 jir ah oo u dhashay dalka Ustareeliya, waxa uu abaal marinta caalamiga ah ee Noble Prize ku qaatay cilmiga shaqada xubnaha bani’aadamka iyo dawenta waana bare-sare oo ka tirsan jaamacadda Western Australia. Dr.Marshal waxa uu waqtigiisa oo dhan ku qaatay daraasaynta hab-dhaqanka bateeriyada, waxa aanu abaalmarintan caalamiga ah qaatay kadib markii tijaabo uu doonayey in uu hubiyo waxtarkeeda uu naftiisa ku sameeyey, taas oo ahayd in uu cabbay quraarad buuxda oo bakteeriya ah. Waxa uu cilmi ahaan ogaaday in bakteeriyadu ay caloosha ku dhalan karto kuna keento boogo, waxa kale oo uu goobjoog u ahaa in badan oo ka mid ah bukaanka u yimaadda oo ku bogsaday dawada Antibiotics ka ah.

Haddaba Dr. Marshal waxa uu doonay in uu dadka tuso saynisyahannada arrimahani khuseeyaan oodhan in aaminsanaantooda ahin bakteeriyadu ay ku badaaddo caloosha aadamaha ay tahay aaminsanaan qaldan, si uu ficil ahaan ugu tusana waxa uu cabbay quraaraddaas bakteeriyada ah, markii durbadiiba ay ka soo if-baxeen calaamadaha gaasterigu ayaana la aqoonsaday in u saxnaa. Dabcan markaas kadib ayaa uu cunay dawooyin Antibayootik ah oo dila bakteeriyadaas.

2. Werner Forssmann: Dhakhtarkan caalamiga ahaa oo sannadkii 1979kii 74 sano jir ku dhintay waxa uu u dhashay dalka Jarmalka, sannadkii 1956kii ayaanu ku guulaystay abaalmarinta caalamiga ah ee Noble Prize qaybteeda wax-soo-kordhinta caafimaadka kadib markii loo aqoonsaday in uu ikhtiraacay tuumbooyinka la geliyo xididdada wadnuhu marka ay xidhmaan ama yaraadaan.

Forssmann oo illaa maanta la aaminsan yahay in uu ka mid ahaa dhakhaatiirtii qalniinka wadnaha ee taariikhda aadamaha soo maray foolaadkoodu ayaa markii uu keenay fikirka ah in wadnaha laga gaadhi karo tuumbo yar oo la dhex geliyey halbawlaha dhiigga ee bukaanka, laakiin saaxiibbadii iyo saynisyahannadii ay wada shaqaynayeen arrintaas waa ay ka qaadan waayeen waxa aanay ku tilmaameen in uu yahay nin cilmigii madax maray oo haatan waalli in la qoro ay tahay, iyaga oo ku andacoonaya in tuumbo la geliyo xididkaas halbawlaha ahi ay si dhaqso ah qofka ugu keenayso dhimasho.

Forssmann ismaha uu dhibin ee tijaabadii naftiisa ayaa uu ku qaaday, si uu saynisyahannada dunida ugu qanciyo in warkiisu xaqiiqo yahay, waxaa la sheegaa in haweenay kalkaaliye u ahayd markii ay aragtay in dhakhtarka ay ka go’antay in uu tijaabadan sameeyo ay u soo jeedisay in uu iyada ku sameeyo, iyada oo jeclaysanaysa in ay naftiisa badbaadiso, laakiin waa uu ka diiday isaga oo isaguna iyada u baqaya. Sidii ayaanu ku guulaystay fikirkiisaa ahaa in tuumbo lagu beero xididka wadnaha dhiigga ku haba ee yaraada ama xidhmaa ay qofka badbaadin karto. Waana mid ka mid ah qalniinada dunida maanta ugu badan ee la isticmaalo.