Suldaan Cumar Oo Bogaadiyay Wasiirka Caafimaadka

0
545

Picture1Hargeisa-(Geeska)- Suldaanka Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa bogaadin u diray Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), isagoo ku hambalyeeyay sidii uu uga qayb galay caleemo saarkii Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe oo dhawaan lagu caleemo saaray magaalada Buuhoodle ee gobalka Buuhoodle.

Suldaan Cumar, oo xalay soo saaray warsaxaafadeed waxa kale oo uu wasiirka ku bogaadiyay mashaariic uu sheegay inuu ka wado gobalada Awdal iyo Sool.  Warsaxaafadeedka Suldaan Cumar ayaa u qornaa sidan  ''Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), waxaan ku hambalyaynayaa sidii geesinimada iyo wadaninimada lahayd ee uu uga qeyb galay caleema saarkii Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, waxaanan ku hambalyaynayaa Wasiirka sidii wadaniminada lahayd ee uu ugu dhaadanayay magaca dadka iyo dalka Somaliland iyo qaranimadiisaba, taas oo astaan u ah daacadnimada iyo hael-karnimada Wasiirka.Sidoo kale, Wasiirka Caafimaadka ee Somaliland, waxaan ku hambalyaynayaa mashaariicda horumarineed ee dhinaca caafimaadka ee uu ka wado guud ahaan gobalada Somaliland, gaar ahaan gobalada Awdal Iyo Sool, oo uu mar kasta mudan in mudnaanta koowaad la siiyo, sidaa daradeed, waxaan ku dhiiri-gelinayaa Wasiirka in uu halkaa ka sii wado dadaalkiisa iyo hawl-karnimadiisa, waxaanan leeyahay taariikhda ayaa qori doonta, waxaana haboon in qof kasta oo masuul ah oo ku talaabsada horumar, in uu inaga mudan yahay hambaluo iyi dhiiri-grlin, waxaanan leeyayay Wasiir mar kasta waanu kugu garab taaganahay waxqabadkaaga.”