Tartanka Maqaalada Dhallinyarada Somaliland

0
994

Cinwaanka Tartanka: Xuquuqda Caafimaadka Taranka

Ururka horumarinta dhallinyarada ee Somaliland Y-PEER wuxu halkan kaga dhawaaqayaa in uubilaabi doono tartan maqaallo ay ugu tartamayaan  dhallinyarada Somaliland. Tartankan ayaa ah mid qoraal ah isla markaana dhallinyarada Somaliland ay ku tartami doonaan. Waxaana ujeeddadiisu tahay sidii dhallinyarada looga wacyigalin lahaa xanuunnada ka dhasha galmada iyo muhiimada caafimaadka taranka.

Tartankan ayaa waxaa sidoo kale ujeeddadiisu tahay inuu fududeeyo isla markaana kordhiyo aqoonta dhallinyaradu u leedahay xanuunnada lagu kala qaado galmada.

Haddaba, dhallinyarada ka qeyb galaysa tartankan waa in ay da’doodu u dhaxaysaa 17 jir ilaa 24 jir waana in sidoo kale tartamuhu waa in uu ka mid yahay ardayda Jaamacadaha iyo dugsiyada ka baxay ama dhigata, sidoo kalena waa in uu maqaalkiisa ku soo gudbiyaa wakhtiga loo qabtay ee hoos ku xusan.

Tilmaamo ku saabsan Qoraalka Tartanka.

  1. A) Mawduucyada.

    FG: Ardeygu wuxuu dooran karaa mawduucyadan mid ka mida:-

  1. Sidee loo dabar-goyn karaa xanuunada ku faafa galmada
  2. Waa maxay muhiimadda ay dhallinyarada u leedahay barashada caafimaadka taranka
  3. Gudniinka Gabdhaha iyo dhibaatooyinka uu u leeyahay caafimaadka taranka
  4. B) Shuruudaha Looga baahanyahay Tartamayaasha:-
  5. Waxaa tartanka ka qeyb qaadan kara gabdhaha iyo wiilasha dhigta ama ka qalin jabiyay jaamacadaha iyo dugsiyada wadanka ku yaalla.
  6. Waa in maqaalka aad qoraysaa fartiisu noqotaa Times New Roman ama Arial sidoo kalena cabirkeedu ahaada 12.
  7. Waa in uu maqaalku ka koobanyahay ugu yaraan 700 erey ugu badnaana 1200 oo ay ku jiri karaan shaxo (Tables), Tixraacyo (Reference) Tirooyinka boggaga (Page Footer).
  8. Raaci warqad sare oo jadli ah taas oo ka kooban qodobadan hoose:
  • Magaca tartamaha
  • Da’da iyo taariikhda dhalashada
  • Magaca jaamacada & dugsiga uu dhigto / dhigato ama ka qalinjabiyay / qalinjabisay
  • Cinwaanka maqaalka
  • Deegaanka ama magaalada uu deganyahay / degantahay
  • Inuu haysto ama haysato aqoonsiga dhalashada Somaliland (Identity Card)
  1. Qodobadan sare hadii ay wax ka dhimanyahiin lama tixgalinaayo maqaalkaaga
  2. Maqaalku waa in uu yahay mid Original ah, haddii maqaalka hore loo isticmaalay waa in aad xusto goobta aad ka soo xigatay iyo cida leh.
  3. Maqaalka waa in hal qof oo kaliya uu qoray, haddii hal qof iyo in ka badan ay qoraan lama aqbalayo.
  4. Maqaalku waa in uu ku qornyahay Af-Soomaali.
  5. Maqaalka waa in loo soo gudbiyaa qaab word ah ama lifaaq ah.

Y-PEER wuxu maqaalkaaga ku daabici doonaa mareegaba baraha bulshada,  wargeysyada iyo majalladaha

  1. C) Soo gudbinta

Xiliga soo gudbinta maqaaladu waxay ku eegtahay maalinta Isniinta, March 20, 2020 at 2:30 pm Saacada Bariga Afrika.

Email: slypeerinfo@gmail.com, ciwaanka waxaa ku qoraysaa “Xuquuqda Caafimaadka Taranka”.

FG: Cidii soo gudbisa wakhti ka danbeeya xiliga loo qoondeeyay lama tix galin doono.

Abaalmarinta iyo guuleystayaasha waxaa lagu dhawaaqi doonaa isla bishan March oo abaalmarinta la siin doono.

  1. D) Qaabka loo kala xulan doono.

Guddidu waxay eegi doontaa maqaalada ugu tayada badan ee leh qodobadan hoose:-

  • Maqaalku in uu yahay mid asal ah (Original) isla markaasina qoraagu aqoon dheer u leeyahay awduuca uu ka waramaayo.
  • Maqaalka nuxurkiisu waa in uu koobanyahay isla markaasina si cad loo fahmi karaa adigoo ku salaynaaya aragtidaada.

Faah faahin dheeraada oo ku saabsan tartanka:

Tartanka Qoraalka Dhalinyarada Somaliland oo ku Saabsan Xuquuqda Caafimaadka Taranka

Somaliland Y-PEER

Tel: (252) 63-4417564 or (252) 63-4073522

Email: slypeerinfo@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here