Somaliland: Xukuumadda Oo Soo Saartay Awaamiir Lagaga Hor-tagayo Coronavirus

0
638

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday Go’aamo la doonayo in lagaga hor-tago Caabuqa Coronavirus ee dunida dhibaatada ku haya.

Guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Coronavirus oo uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Magacaabay ayaa Shir-jaraa’id oo ay Salaasada Maanta ku qabteen ku shaaciyey awaamiir cusub, kuwaasi oo saamaynaya dhinacyada kala duwan ee bulshada, balse sababta loo soo saaray tahay in lagaga hor-tago Cudurka Coronavirus, inkasta oo aan illaa hadda Somaliland lagu sheegin.

Awaamiirta Guddigu soo saartay waxa ka mid ah in muddo bil ah la xidho Dugsiyada Waxbarashada, la xadido wakhtiga Salaadaha lagu jiro, duulimaadyada Dalalka Qaar oo la joojiyey iyo isku imaantinka Bulshada oo la joojiyey.

Awaamiirta Guddigu soo saartay oo dhamaystiran ayaa u qornaa sidan:-

  1. Xarumaha Caafimaadka ee Gaarka loo Leeyahay 
  • Dhammaan xarumaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay sida Cusbitaalada iyo Shaybaadhada iyo shaqaalaha ka hawlgalaba waxa adeegsan doona Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka markay u baahato.
  • Waxa reebban in dalka laga saaro dhammaan agabka caafimaadka iyo daawooyinka.
  • Dhammaan muwaadiniinta leh xirfad caafimaad ee aan ka tirsanayn shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa lagu wargalinaya in ay si mutadacwacnimo ah iskaga diiwaan galiyaan maamulka caafimaadka ee gobolka iyo degmada ee ugu dhaw.
  1. Goobaha Waxbarashada dalka 
  • Dhammaan goobaha waxbarshada dalka ee dawladda iyo kuwa gaarka ah sida Jamaacadaha, Iskuulada caadiga ah (day schools), Iskuuladda Hoyga ah (boarding schools), xarumaha Agoomaha wax lagu baro marka laga reebo kuwa dawladdu gacanta ku hayso oo si gaar ah loola socanayo xaaladooda, waxa la xidhayaa muddo 4 Toddobaad ah oo ka bilaabmaysa maalinta ay taariikhdu tahay 19 March 2020.
  1. Masaajiddada
  • Waxa lagu amrayaa dhammaan Imaamyada iyo Mu’adiniinta Masaajidyada in ay xilliga salaada faralka ah ay ku soo koobaan kana aysan badin karin 25 daqiiqo, sidoo kalana waxa la farayaa in ay xidhaan dhamman Musqulaha iyo meelaha lagu waysaysto ee masaajidyada muddo 4 Todobaad ah oo ka bilaabmaysa maalinta ay taariikhdu tahay 19 March 2020.
  • Dhammaan Imaamyada iyo Mu’addiniinta waxa la farayaa inay furaan daaqadaha Masaajidada. 
  • Bulshada waxa la farayaa inay ku soo wayso qaataan guryahooda iyo meheradahooda.
  • Qofkii dareema caalamado muujinaya hargabka waa inaysan iman Masaajidyada ayna ku tukadaan guryahooda.
  • Waxa la farayaa imaamada inay ducada qunuudda salaadaha innooga duceeyaan dhibaatada xanuunka.
  1. Isu imaatinada Bulshada
  • Waxa lagu wargalinaya bulshada Somaliland in la joojiyey dhammaan isu imaatinada bulshada sida shirarka, xafladaha, casuumadaha, aroosyada, isu imaatinada ciyaaraha IWM ah, marfarshayada Qaadka in muddo 4 Todobaad ah oo ka bilaabmaysa 19 March 2020.
  • Waxa gabi ahaanba mamnuuc ah Shirarka iyo siminaarada ay qabtaan hay’adaha kala duwan ee dalka muddo 4 todobaad ah oo ka bilaabmaysa maalinta ay taariikhdu tahay 19 March 2020.
  1. Socdaallada iyo Duullimaadyada Diyaaraadaha
  • Dhammaan dulimaadyada ka imanaya waddamada nidaamkooda caafimaad la isku halayn karo waxa ay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL la socon doontaa xaaladda rakaabka ka imanaya iyadoo rakaabkaas baadhitaan dhammays tiran loogu samayn doono garoomada diyaaradaha ee Somaliland.
  • Waxa la joojiyey dhammaanba duulimaadyada iyo rakaabka ka imanaya dalalka xaaladoodu khatarta tahay sida China, Italy Iran, France, South Korea, Spain, Kiiniya iyo Soomaaliya laga bilaabo maalinta ay taariikhdu tahay 19 March 2020. Sacaadda 06:00 galabnimo muddo 4 toddobaad ah.
  • Waxa dhammaan muwaadiniinta Somaliland loogu baaqayaa in ay ka baaqsadaan safarrada aan muhiimka ahayn ee dalka gudihiisa.
  • Waxa dhamman qurba-joogta reer Somaliland loogu baaqayaa inay hakiyaan socdaalada aan laga maarmi karo ee ay dalka ku iman lahaayeen inta xaaladda Adduunka ee xanuunkani ka soo raynayso.
  1. Guddiyada Gobollada ee U-diyaar-garowga iyo ka-hor-tagga xanuunka CORONAVIRUS .
  • Si loo xoojiyo u diyaar garowga iyo ka hortagga xannuunka CORONAVIRUS waxa la dhisay guddiyada Gobolada oo ka kooban:

o Guddida nabadgalyada ee heer gobol

o Isu-duwayaasha wasaradaha: Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, Ariimaha Gudaha, Warfaafinta iyo Waxbarashada.

o Guddidani waxa ay fulinaysaa qorshaha wasaaradda caafimaadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here