Xildhibaano Ka Tirsan Wakiilada Oo Baaq U Diray Xukuumadda Iyo Guud Ahaan Shacabka Somaliland

0
576

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa soo jeediyey in aad looga taxadiro goobaha la iskugu yimaado, waxayna ku baaqeen in la galo fasac qaran, si looga feejignaado xanuunka Coronavirus,waxayna baaqyo ka duwan u direen Xukuumadda iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada, iyagoo ku taliyey in la joojiyo qaadka dalka yimaada.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) iyo Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn  Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) wuxuu hadalkiisi ku bilaabay “Coronavirus waa Cudur halis ah oo khatartisa wata ee ALLE ha inaga hayo, ee baaqyada iyo wacyigelinta Xukuumadda gaar ahaan wacyigelinta Wasaaradda Caafimaadka aynu qaadano, oo Bulshada qaybaheeda kala duwani ka qaadato wacyigelinta la wado, Wadamadii aynu jaarka ahayn Xanuunkani uu soo gaadhay, ee anigu waxaan odhan lahaa xitta qaadka aynu iska joojino, si aanu xanuunkani inoogu soo talaabin”.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo isna arintan ka hadlay ayaa yidhi “Anigu waxaan soo jeedin lahaa in la fasaxo Dugsiyada iyo  Barlamaanka aadna looga taxadiro meelaha la iskugu yimaado, sidaas darteed Dalakiii aynu jaarka ahayn sida Itoobiya, Kenya iyo Somaliyaba xanuunkani uu soo gaadhay, haddii aynaan is ilaalina si yar oo fudud ayuu xanuunkani inoogu soo gudbi doona, ee taxadirkeeda aynu lahaana, oo qof walba oo dalkeena soo galaya aynu caafimaadiisa sugno, aadna aynu  u baadhno, aynu ku dadaalno nadaafada iyo ilaalinteeda, ILLAAHAYNA waxayna ku baryeynaa inuu inaga hayo xanuunkan, xaalada aynu arkayno maaha xaalada aynu Doorashooyin ku qabdan karno, ee xittaa kharashkii aynu Doorashooyinka ku qabsan lahayn, aynu iskaga ilaalino xanuunkani sidii aanu dalkeena u soo gali lahayn, ILLAAHAY ayaa wax ilaaliya, ee ILLAAHAY ha ina ilaaliyo mar walba”.

Dhana kale Xildhibaanadan ayaa soo jeediyey in lagu dadaalo sidii dalka wax soo saar lagu sameeyn lahaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here