Tartanka Koobka Gobolada Somaliland Oo Ilaa Hadda La Cayimin Wakhtiga La Qabanayo, Una Muuqda Inuu Dib U Dhacayo

0
895

ciyaarahaTartanka Koobka Gobolada Somaliland oo wakhtiyadii hore ee la qaban jirey la sii cayimi jirey wakhtiga ama bisha la qabanayo iyo Gobolka lagu qabanayo, ayaa Sannadkan oo maraya kala badh bishii Ramadaana ay fooda inagu soo hayso, ayaa ilaa hadda la sii shaacin wakhtiga rasmiga ah ee la qabayo iyo Gobolka lagu qabayo, iyo waliba Xulalka Gobolada ka soo qeyb galaya.

Haddaba Tartanka Koobka Gobolada Somaliland oo inta badan marka la sii shaaciyo wakhtiga rasmiga ah ee la qabanayo ayaa  Xulalka kala duwan ee ka qeyb galaya Tartanka ay Tababar joogto ah sameeyn jireen, iyaga oo ku sii xisaabtami jirey wakhtigaas loo cayimay, ayaa hadda waxa ay u muuqata in wax Tababar ah aanay sameeynin Xulalka Gobolada kala duwan ee Somaliland, madaama aanay jirin wakhti ay Wasaaradda Ciyaaruhu ku dhawaaqday inay qabeeynayso, waxaanu Tartanka Koobka Gobolada Somaliland ee la filaayey inuu Sannaadkan dhaco u muuqda inuu dib u dhac ku imaayo.

Dhanka kale mar aanu wax ka weydiinay qaar  ka mid ah Ciyaaryahanada Xulalka Gobolada Somaliland ayaa waxa ay sheegeen in Sannadkan aanay filayn in Tartanka Koobka Goboladu uu dhaco.